Araweelo News Network

Afhayeenka Madaxtooyadda Maxamuud Warsame Jaamac

Hargeysa(ANN)- Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in dawladda iyo shacabka dalka djibouti aanay mudnayn in loo jeediyo hadallo af-xumo ah oo aan qaban, iyadoo siyaasiyiinta looga digay inay weerar afka ah ku qaadaan dalalka ay Somaliland la leedahay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Itoobiya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland , waxa kaloo lagu caddeeyey in shaqsiyaadka dhalliilaha u jeediya dalalka deriska ah aanay metelin qaranka Somaliland, balse ay wakiil ka yihiin naftooda oo qudha.

“Siyaasadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waa in shucuubta iyo dalalka Geeska Afrika ku wada noolaadaan nabadgelyo, colaad la’aan iyo daris-wanaag (Zero Conflict Policy). Cid kasta oo ka hor timaadda siyaasaddaas ku dhisan nabadgelyada, daris-wanaagga iyo isku-dulqaadashada, kuma metelaan Qarankan iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland midna, balse waxa ay ku metalaan nafahooda oo kaliya.

Sidaas darteed, waxa aannu u soo jeedinaynnaa siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Axsaabta Qaranka ee caadaystay wax-ka-sheegga iyo hadallada dhiifta leh ee ka dhanka ah dalalka dariska ah ee aynu leennahay xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashi, sida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda djibouti, in ay ka waan-toobaan arrintan. Jamhuuriyadda Jabuuti waa dal ay darisnimo iyo walaalnimo innaga dhexayso. Shacabka iyo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti midna ma mudna af-xumo iyo hadallo aan qaban oo loo mariyo warbaahinta,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Waxa kaloo ay Madaxtooyadu ka jawaabtay hadal ka soo baxay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, waxaanna warsaxaafadeedka lagu yidhi; “Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sheegay in mad-madow ku jiro Heshiiska DP World. Waxa kale oo uu sheegay in ummadda loo caddeeyo heshiisyada ay Xukuumaddu gelayso.
Waxa aannu xasuusinaynaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro in heshiiska DP World yahay heshiiskii isaga oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland uu Golahaasi si buuxda u ansixiyey.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu caddeeyey maanta in Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland uu siiyey xukuumadda awoodda ay heshiisyo kula gali karto dawlado, shirkado ama ururro caalami ah, isla hadalkiisa dhexdiisana wuxuu ka hor-yimid qodobkaa Dastuuriga ah, isaga oo sheegay in uu diiddan yahay heshiiska Xukuumaddu la gashay DP World iyo Itoobiya.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ummadda ha u sharraxo nuxurka sharci ee uu ku diiddan yahay heshiiskan. Sida uu dhigayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI uu qiray maanta, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay awood u leedahay wax-ka-beddelka iyo kaabista heshiisyada, haddii ay u aragto in ay ku jirto dan Qaran. Intaas kadib ayay marisaa Xukuumaddu Golayaasha Xeer-dajinta Qaranka.
Guddoomiye Cabdiraxmaan waxaanu leennahay, “Baroortu orgiga ka weyn ee onkodoow, xeeshaa dhac,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Warsame Jaamac.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, ma jirto wax raaligelin ah oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u diray Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaanna faahfaahin laga bixiyey ujeedada qoraal Madaxtooyadu u dirtay Guddoomiye Faysal.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland meel uu raalligalin ku siiyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID haba yaraatee ma jirto, balse Xoghayaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uu u gudbiyey lifaaq ah jawaab-celin ku saabsan raalligalinta Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabbuuti, kadib markii Safiirka iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe ay hadallo isku mariyeen warbaahinta. Qoraalka ka soo baxay Xoghayaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u dhignaa sidan:
“Mudane Guddoomiye, aniga oo fulinaya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan si sharaf iyo qaddarin leh kuula socodsiinayaa in uu Madaxweynuhu helay qoraalka summaddiisu tahay REF/UCID/XDH/428/2018, kuna taariikhaysnnaa 01/03/2018, ujeeddadiisuna ahayd dacwad ka dhan ah Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti.

Waxa uu Madaxweynuhu kulan gaar ah oo arrintaa ku saabsan la yeeshay Wakiilka, waxaana uu kaaga mahadcelinayaa sida waayeelnimada leh ee aad ugu soo gudbisay dareenkaaga ku aadanaa hadalladii Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.
Sidaa darteed, waxa aan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalka halkan ku lifaaqan ee raalli-gelinta ah ee uu kuu soo qoray Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Djibouti.”

Waxa nasiib-darro ah in Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID kula kaco Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland been-abuur iyo wanjal aan ku habboonayn mas’uuliyiinta xurmada iyo qaddarinta innaga mudan. Qoraalka loo diray Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, waxa uu tilmaamayey oo kaliya in warqaddii cabashada ahayd ee Xisbiga UCID soo gaadhay Madaxweynaha, isla markaana halkan loogu soo lifaaqay qoraal kale oo uu soo qoray Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Djibouti.

Marka horeba hadalka ka soo baxay Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti ma uu ahayn hadal laf-jab ah oo mudan in laga bixiyo raalli-gelin, balse si loo dhawro dareenka masuuliyiinta axsaabta qaranka, ayaa Madaxweynuhu ka dalbaday Dan-jiraha kaddib markuu la kulmay in uu qoraal ugu jawaabo Guddoomiyaha Xisbiga, sida uu ula jeeday hadalkiisana ku caddeeyo iyo in aan masuuliyiinta kala gaadhin hadallo muujinaya xannaf,” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu.