Haregysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Badhasaabkii Gobolka Togdheer  Marxuum  Xamse Cabdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Turkiga oo xaalad Caafimaad loo geeyay.

Dhanbaal Tacsi ah oo Madaxweynuhu kaga hadlay geerida Badhasaabka, ayaa u qornaa sidan:-

“MadaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer ee uu ka baxay Alla ha u naxariistee Gudoomiyihii Gobolka Togdheer Marxuum  Xamse Cabdi Maxamed oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 06/07/2020, dalka dibediisa oo isla maanta loo qaaday dalka Turkiga.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawlkar ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey, tilmaan iyo hiigsina u ahaa da’a yarta dalka, kuna suntanaa daacadnimo iyo dedaal.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, ayaa lagu yidhi, dhanbaalka Madaxweynaha Somaliland.