maxaabiista Masar1Qaahira(ANN)Xukuumadda Dalka Masar ee uu hoggaamiyo Cabdi Fataax Alsiisi ayaa xukuno del-delaad ah ku xukuntay tobaneeyo katirsan mas’uuliyiinta Ururka ikhwaanul Muslimiin, kuwaas oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore Maxamed Mursi oo xukunka laga tuuray July 2013 iyo Hoggaamiyihii Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Maxamed Badiic.

Maxkamadda guud ee magaalada Al Qaahira ayaa ku dhawaaqday in daldalaad lagu xukumay Maxamed Mursi madaxweynihii hore ee Masar, Hoggaamiyihii Ururka Ikhwaanul muslimiin Maxamed Badiic iyo xubno kale oo ka toran ururka Ikhwaan Muslimiinka dalka Masar.
maxamed Badiic
Qaadiga maxkamadda Masar ayaa sheegay in Mursi iyo tobaneeyo kale oo uu kamid yahay Sheekh Maxamad Badiic lagu helay dambiyo ay kamid yihiin abaabulidda weeraro ciidan booliska katirsan lagu dilay iyo xoog kugalkii xabsiyada Masar sanaddii 2011, xilligaasi oo ay socdeen kacdoonadii shacabka Masar ku dhaqaaqeen ee xukunka lagaga tuurayay Madaxweyne Xusni Mubaarak.
Xukunka del-delaada ah ee waqtigan lagu xukumay Hogaamiyahii hore ee Masar, wax aka horeeyay xukun hore loogu riday, kaas oo ahaa 20 sannadood, iyadoo xiligaa lagu eedeeyay inuu amray in la xidho oo jidh-dil lagu sameeyo mudaaharaadayaal mudadii koobnayd ee uu talada dalka hayay kasoo horjeeday, balse xukunkaa labaatanka sannadood ahaa, waxaa ka mudaaharaaday taageerayaasha Mursi, iyadoo xukuumadda Masar dhaleecayn weyn oo kaga timi dunida ay soo waajahday.

Ururka Ikhwaanul muslimiinka dalka Masar oo markii xukunkaa hore dhacay laga mamnuucay dalka, ayaa go’aanaka maxkamadda ku tilmaamay wax lagu qoslo, waxaana ka hor inta aan la fulin xukunka la sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan Hay’addaha diimaha ee dalka.
.
Xukuumadda Masar, ayaa sheegtay in Mursi iyo saraakiisha kale ee del-delaadda lagu xukumay ay maxkamadda racfaan ka qaadan karaan, waxaana weli indhaha ku haya xukunka lagu riday Madaxweynihii hore ee Masar iyo Hoggaamiyayaasha kale ee Ururka Ikhwaanka laga mamnuucay dalkaa qaar ka mid ah wadamada Islaamka oo diidan qaabka ay xukuumadda Milateriga Masar u dhaqmayso. Sidoo kale waxa xukunka hoggaamiyayaasha Ikhwaanka indhaha ku haya Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha ee Caalamiga ah iyo wadamo shisheeye, kuwaas oo qaarkood hore u canbaareeyeen xukunada kala duwan ee Xukuumadda Masar ku riday Madaxweynihii hore Maxamed Mursi, Hoggaamiyihii Ururka Ikhwaanka iyo 700 qof oo kale oo ka mid ahaa Ururkaa.
Hogaamiyihii Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Maxamad Badiic oo March 2014, lagu xukumay xukun dil ah, isaga iyo boqolaal qof oo kale, ayaa xabsiga loo taxaabay sannad iyo dhawr bilood ka hor Kadib markii Wiil uu dhalay higaamiyaha Ikhwaanul muslimiinta oo ka mid ahaa dadkii lagu laayay Masjidka Fatax August 2013, halkaas oo ay galeen mudaharaadayaasha ka baxay Masjid Raabic al cadawiya, waxaana ku dhintay hawlgalkaa Milaterigu qaadeen Boqolaal qof oo kale, taas oo ka danbaysay kadib markii Ciidammada ammaanka ee Masar xoog ku kala dareeriyeen dibedbaxyo waqtigaa socday, taas oo sababtay in kumanaan ka mid ah dadka debedbaxa samaynayay xiligaa ay ku dhintaan halkaa, isla markaana boqolaal kale dhaawacyo soo gaadheen.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.