King Osman Aw MohamoudDubai(ANN)Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-Madow) oo ka mid ah kuwa ugu caansan Madax-dhaqameedka Soomaalida, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Musharaxa Madaxwaynaha KULMIYE ee Mustaqbalka oo ay ku hirdamayaan siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka Hargeysa, kuwaas oo dhowaan guddi kasoo saartay go’aan, balse go’aankaa laga daba keenay dhawaaqyo iyo shirar lagu diidanyahay.
Boqor Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo safar ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa wareysi uu xalay Khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska Madaxa-banaan ee Somalilandtoday oo kasoo baxa Hargeysa, wuxuu kaga hadlay arrimahaa iyo kuwo kale, wuxuuna ku macneeyay wax ceeb ku ah Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo in isaga oo aan dhamaysan teeramkii koowaad ee hoggaaminta dalka, isla markaana ah Musharax u taagan teeramkiisa labaad ay Wasiirradiisu u ololeystaan Musharaxnimo, iyaga sida uu sheegay adeegsanaya hantida ummada ee lagu aaminay.
Hase yeeshe Boqor Cismaan Aw Maxamuud, wuxuu marka hore ka hadlay wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Djibout, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, “Qodobbada ka soo baxay wadahadalladii Djibouti waxaan u arkaa Guul u hoyatay Somaliland, waanan ugu hambalyeynayaa Madaxwaynaha iyo weftigisii, Somaliland-na waxay u tahay guul oo waa arrin loo baahnaa in lagu dhiirado, waayo waxaan qabaa inay meeshaa ka soo baxeen arrimo baddan oo Somaliland dan u ah. Arrimaha Masiiriga ahi waa kuwa kaliya ee ay dantu ku jirto in laga wada hadlo, waayo 23 sanadood ayaynu is hor-fadhinaa (Soomaaliya) markaa waan soo dhaweynaynaa in arrimaha lagu dhiirado oo laga wada hadlo”
Boqor Cismaan Buur-Madow oo la waydiiyey sida uu u arko loolanka Musharaxnimo ee u dhexeeya Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Biixi Yoonis, ayaa yidhi, “Siyaasaddu waa kubad la ciyaarayo oo kale, Siidhi-walluhu haddaanu kala hagin laacibiinta wada ciyaaraya, garoonka oo dhan ayuu khalkhal ku dhacayaa. Markaa Madaxwaynuhu isaga ayaa xisbiga iyo siyaasadda dawladdaba majaraheeda haya, isaga ayaana laga rabaa inuu kala hago” ayuu ydihi.
“Annigu lama gabado wixii dhaliil ah ee aan arko waxaanan jecelahay inay toosin noqoto, Madaxwaynaha waan ugu hambalyeynayaa waxqabadka baddan ee uu dalka ka qabtay, waxaanan qabaa inuu yahay Madaxweynihii ugu musuq-maasuqa yaraa ee soo mara Somaliland, waayo wax Foojar (Receipt) ku baxaya mooyee wax kale oo uu saxeexo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ma jirto. Laakiin ayaandarada jirtaa waxa weeyaan Madaxwayne taagan oo Musharax ah oo Wasiirradiisu yihiin Musharixiin lama arag Adduunka, waxa taa ka sii daran Madaxwayne ka xanaaqaya musuq-maasuqa, haddana Wasiirkiisa Maaliyadda ay maalin walba jeebka ugu jirto $ 200.000 doollar oo hantidii ummada ah, oo uu dadka kala siinayo oo uu siyaasad u isticmaalayo, waxaan leeyahay arrintaa Madaxwaynuhu kama Madax-banaannayo. Arrintaasi waxay ceeb ku tahay dawladda iyo anshaxeedaba, in Madaxwaynihii oo nool la isla jiidhaa waxay ceeb iyo nusqaan ku tahay Madaxwaynaha iyo dhaqanka siyaasadda iyo xisbigaba”
Boqor Cismaan, waxa uu dhaliilay habka uu Wasiirka Maaliyaddu ugu ololeysanayo Musharaxnimadiisa “Haddii maanta odayaashu (Guddida horumarinta Sacad Muuse) is yidhaahdeen Musharixiinta beesha ururiya, oo musharixiintan baddan la kala hadla, in Wasiir Samaale inta uu qaybiyo hal Milyan oo aan qaranka ka go’in uu Madaxwaynuhuna daawado, waxaan leeyahay waa arrin aan loo baahnayn, waayo waa musuq-maasuq loo baahan yahay in Madaxwaynuhu ku baraarugo. Madaxwaynaha laguma yaqaan musuq-maasuqa, laakiin inuu raali ka noqdo musuq-maasuqa Wasiirradiisa looma baahna, Samaale halkuu kala yimi lacagtan uu qaybinayo ee uu ku boolatiigayo, Caanteyn muu haysan maalintuu kursiga Wasaaradda Maaliyadda fuulay oo laba shaadh ayuu lahaa, maantana gelinkiiba wuxuu qaybinayaa $ 200.000 doollar. Waxaan leeyahay waa ayaandaro in Maaliyaddii dalka loo isticmaalo kala jejebinta Beesha Sacad Muuse oo Wasiirka Maaliyaddu noqdo ninka leh awoodda dalka, markaa waxaan leeyahay Madaxwayne sharaftaadii iyo midnimada xisbiga iyo isbaheysigii beel ahaaneedba Marka la eego, nooma cuntameyso in xisbigii uu annaga iyo adigaba horteena ku bur-buro”
Boqor Buur-Madow, waxa uu sheegay in Wasiir Samaale uu kala dhaweysto Wasiirrada xukuumadda “Maxamed Biixi Yoonis (Wasiirka Arrimaha dibaddu) waa nin han leh, Nin Musuq-maasuq ku jira oo lacag ku ciyaara maaha, laakiin Samaale inuu wasiirrada (Xukuumadda) ninka uu doonana Maaliyadda u badiyo oo uu janneeyo maaha, Madaxwaynahana ka awood bato waa ayaandaro”
Boqor Cismaan oo la waydiiyey in Wasiir Samaale uu xaq u leeyahay inuu soo bandhigo taageerayaashiisa sidii uu Muuse Biixi ba hore u sameeyay, ayaa ku jawaabay “Anigu waxaan ka hadlaa caddaalada, sidaa daraadeed Muuse Biixi kuma boolatiigayo lacag dawladdu leedahay, laakiin Wasiir Samaale lacagta uu dalka ku khalkhal-gelinayaa waa tii dawladda, anigu ma doonayo in lacagta dawladda loo isticmaalo musuqmaasuq, waayo waxaan doonayaa in Madaxwayne Siilaanyo uu sharaf ku tago, markaa in lacagtii dawladda lagu baa’biiyo reero iyo xisbi maaha mid cuntameysa, waxaan leeyahay Madaxwaynuhu arrinkaa haka qaato tallaabo oo wax ha ka qabto, aad baanan uga digayaa cawaaqib xumada uu keenayo ”
Mar uu ka hadlayay in Wasiir Samaale uu taageero ka helayo Beesha Madaxwaynaha, wuxuu yidhi, “Wasiir Samaale maaha Nin uu qabanayo Kitaabkii uu bartay iyo kii uu qaranka ugu dhaartay oo hantidii umadda ayuu ku boolatiigayaa. Markaa Annaga beel ahaan taageero naga heli maayo, laakiin waa laga yaabaa in tixgelin la siiyo haddii uu ragga la mid noqdo oo uu ka dhex baxo Maaliyadda uu ku loofarayo, si caadiyana u soo tartamo”
Cismaan Aw Muxumed (Buur-Madow) oo ka hadlayay arragtidiisa sida uu xal u arko ee Xisbiga Kulmiye lagu badbaadin karo, wuxuu yidhi, “Xilli doorasho lama gaadhin, haddii aanu Madaxwaynuhu wax ka qaban wasiirradiisan ololaha ka dul bilaabay oo aanu fadhiisin, qarannimadu jiri mayso, Madaxwaynaha ayaa laga rabaa inuu qarannimada iyo xisbigaba ka badbaadiyo wasiirradiisa hantidii qaranka ku boolatiigaya ee xisbigiina gacantooda ku burburinaya” ayuu yidhi.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud, wuxuu sheegay in loolanka noocan ah aanu ahayn mid lagu tilmaami karo Dumuqraadiyad, isla markaana sababta Madaxweyne Siilaanyo wax uga qaban waayay waxa dhacayaa yihiin kobcinta Dumuqraadiyadda, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan qabaa in musuq-maasuq la korinayo ee ma qabo in dimuqraadiyad la korinayo, dimuqraadiyadda ma waxa lagu korinayaa hantida ummada oo lagu boolatiigo, taasi dimuqraadiyad maaha ee way ka soo horjeeddaa, xisbinimada ayay ka soo horjeeddaa oo waa musuq-maasuq. Waxaanan qabaa inay ahayd in Maxkamad la saaro Cidda waxaa wadda, arrinkaasina dimuqraadiyad maaha ee waxaan qabaa inay tahay ceebtii ugu weynayd ee dileysay Sharaftii uu Madaxwaynuhu ka kasbanayey shacabka, haddii aanu deg-deg wax uga qaban arrintaa”
Xigasho:Wargayska Somalilandtoday
Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com