Araweelo News Network

Yoweri Museveni

Kampala(ANN)-Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni, ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirkiisii Amniga iyo taliyihii Booliska, kuwaas oo ahaa saaxiibo ku dhow Maxdaxweynaha.

 

 

War qoraal ah oo kasoo baxay Yuweri Museveni madaxweynaha dalka Uganda ayaa lagu sheegay in shaqadii ay hayeen laga eryay wasiirkii amniga gudaha iyo taliyihii Booliska. Museveni ayaa eryay Kale Kayihura oo ahaa taliyaha guud ee booliska iyo Kayihura wasiirka amniga gudaha, waxaana arrintan lagu sababeeyay khilaaf dhanka siyaasadda ah oo ka dhexjira xisbiga talada haya.

General Okoth Ochola, ayaa loo magcabay Taliyaha Booliska, halka  General Elly Tumwiine loo Magcaabay wasiirka Amniga. sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyadda.

 

Siyaasi ka tirsan mucaaradka dibad joogga ah ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid qeyb ka ah is reeb reebka dhanka siyaasadda ee ka dhax jira taliska Museveni.v

 

Kayihura, ayaa ahaa  General awoodo baddan, wuxuuna ahaa saraakiisha gacanta MIdig ee Museveni tan iyo markii uu Xukunka Milateri kula wareegay awoodda dalka Uganda sanadki 1986.

 

General Kayihura, ayaa xilkaa loo Magcaabay 2005, iyadoo Isla sanadkaa uu Museveni ku guulaystay inuu Afti u qaado sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka dumuqraadiyada ee axsaabta baddan oo muddo labaatan sanadood ah mamnuuc ahaa.

Tan Iyo markii shirqool dil ah lagu fuliyay 2017 Felix Kaweesi oo ahaa Sarkaal sare oo Booliska ah, waxa hoos u dhacayay amaanka dalka, waxaana la dilay Ilaa 23 Haween ah, kuwaas oo lagu dilay meelo aan ka baxsanayn Caasimada dalkaa ee Kampala, iyadoo aan dadkii fuliyay diallkaa sharciga la horgeyn.

sidoo kale dilalka kasii socda dalka, waxa soo raaca afduubyo dad ajaanib ah loo geystay, iyadoo Madaxweynuhu sheegay in boolisku awoodi waayeen Inay soo afjaraan.

 

Uganda oo qayb ka ah dalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, wuxuu ka mid yahay dalalka Bariga Afrika ee ay talada iska heystaan tobanaan Sano ka badan hoggaamiyaasha inqilaabka meleteri talada kula wareegay.