Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa usii jeeda caasimada Dalka Djibouti si uu kulan ula yeesho Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay qoraal uu soo dhigay maanta in uu dalkiisa ku qabanyo kulan uu sheegay inuu ku dhex-dhexaadinayo labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Mr, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu sheegay in maalinta Beri ee Axada 14 Jun 2020, uu guddoomin doono kulan dhexmara Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo sheegay in ujeedada kulanku ay tahay si ay ula socdaan dadaalada dhexdhexaadinta ee labada hogaamiye.

Qoraalka Madaxweyne Geelle ku baahiyay bartiisa Twitter-ka, wuxuu ku sheegay in sidoo kale uu ku casuumay kulanka labada dhinac Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Ahmed sii qayb uga noqdo wada hadlada Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo.

Xukuumadda Somaliland iyo xukuumadda Soomaaliya, ayaan weli ka hadlin shirka iyo xubnaha llabada Madaxweyne  ku weheliya, balse dhinaca Somaliland sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Weftigiisa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Suleymaan Maxamuud Aadan, Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Professor Yaasiin Maxamuud Xiir ‘Faratoon’, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Saajin, iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga, Saciid Sulub Maxamed.

Halka dhinaca Soomaaliya Wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya la filayo in ay ka kooban yihiin Madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’, Ra’iisal Wasaaraha, Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Maxamed Mursal Sheekh, iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga  Cabdi Maxamed Sabriye.

Dhinaca kale, labada Madaxweyne ee Somaliland, Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku kulmay Addis Ababa February 2020, kulankaa oo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abby Axmed ku guulaystay inuu labada Madaxweyne miis soo wada fadhiisyo, balse ma cadda waxa ay ka wada hadleen, waxase la oggaa oo keliya in uu labada hoggaamiye kulmeen, iyadoo aannu ka madhnayn qorshaha kulankaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Diblamaasiyiin kale iyo hoggaamiyayaal Afrikaan ah oo xilligaa ku sugnaa Addis Ababa.

AKHRI: Dhawaaqyo Kala Duwan Oo Kasoo Baxay Kulankii Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Ethiopia

Labada dhinac ee Xukuumaddaha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa kulanka Addis Ababa ka bixiyay jawaabo kooban, iyadoo ay xilligaa mumeteliinta mucaaradka Somaliland si weyn ugu canbaareeyeen kulankaa oo si dhab ah loo ogayn waxa lagaga hadlay iyo waxa uu ahaa ajandaha labada dhinac, waxayna kulankaa iyo ka ay Dawladda Djibouti shaacisay ee dhacaya maalinta beri ee Axadda kusoo beegmaayaan, iyadoo Madaxweyne Biixi marar baddan ka dhawaajiyay in aannay wada hadal la gelayn xukuumadda Federaalka ee Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku dooday in ay sidaa samaynayaan oo keliya marka ay aqoonsadaan Somaliland.

AKHRI:  “Madaxweyne Biixi 45 Miridh Oo Farmaajo Ay Wada Joogeen Ayuu Dalkii Ku Xaraashay, Abiy-na Farxadii Imaaraadku Tegey”, Eng. Faysal Cali Waraabe

Dhinaca kale, kulanka xilligan ee ka dhacaya Dalka Djibouti, ayaa u muuqda mid horre loogu balansanaa, wuxuuna kusoo beegmay xilli ay dalka Djibouti ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo kacdoono dhaliyay mudaharaadyo rabshado wata oo ka dhashay xadhigii Duuliye Fu’aad Yuusuf Cali.

Akhri: Maraykanka Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Djibouti Iyo Xiisaddaha Ka Taagan

Sidoo kale, hoggaamiyaha dalka Ethiopia Abiy Axmed ee Madaxweyne ismaaciil Cumar Geelle sheegay inuu ku weheliyo kulanka laysugu keenayo labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa waajahaya xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay kadib markii muddo kordhin loo sameeyay, iyadoo ay dib u dhacday doorashadii ka dhici lahayd dalka Ethiopia, taas oo sababtay in ay maalmihii lasoo dhaafay is casisho Khayriya Ibraahim oo ahayd Afhayeenka Aqalka Baarlamaanka dalka Ethiopia.

khilaafka doorashada iyo siyaasada Ra;iisal Wasaare Abiy, ayaa sababay in ay sii xoogaystaan khilaafka u dhexeeya xisbigeeda TPLF, iyo xukuumadda oo muujinaysa xiisadda sii kordheysa ee ka dhex alloosan labada dhinac.

Haweenayda Afhayeenka ah, Khayriya Ibrahim ayaa ka mid ah haweenay Muslin ah oo ka mid ah haweenka soo galay Baaralaamka ee metelaya deegaanka Tigreega, waxayna sidoo kale ahayd sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda Xoraynta Tigreega (TPLF), oo ka mid ah xisbiyada waaweyn ee dalka, isla markaana ka soo horjeeday dib u dhigista doorashada.

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Email: jaamac132@gmail.com