Araweelo News Network
ismail omar gele

“Dimoqraadiyada ay ku soo arkeen France iyo Brussles ee sida is yaaca, fowdo ayay rabaan”

Djibouti(ANN)Madaxweynaha Djibouti. Ismaaciil Cumar Geele, ayaa si ku tilmaamay mucaaradka dalkiisa kuwo doonaya inay fawdo ka abuuraan dalka oo ay bur-buriyaan xasiloonida iyo nidaamka kala danbaynta ee ka jirta dalkiisa.

Mr. Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu sidaa ku sheegay wareysi siiyay Idaacada laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, isagoo sheegay in mucaaradka inay doonayaan dimoqraadiyad is dhex yaac ah iyo inay ku dabaqaan sida kuwa caalamka oo kale, taas oo uu sheegay in aanay dadkiisa iyo dalkiisu u baahnayn.

“Halka aan ka nimid iyo halka aan maanta joogno, sida ay iyaga doonayaan waa Mucaarad dhahaya dowlad ma jirto, anaga waxaa arki jirnay mucaarad eedeynaya ama dhaliilaya, laakiin uma heysano mucaarad inuu yahay kan dhahaya dowlad ma jirto, kuwaasna waa iska qabaneynaa, waliba mucaaradnimada waxay tahay ayay baranayaan, dimoqraadiyada ay ku soo arkeen France iyo Brussles ee sida is yaaca, fowdo ayay rabaan”ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin cid siyaasad lagu xidhay ama loo dilay iyo in qof ra’yigiisa ka hadlay oo gurigiisa loogu tagay la xidhay aanay jirin, isagoo xusay in dalka 16-kii sano horumaro baddan gaadhay, balse ay jiraan dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah.

“Dadka Madaxda iyo shacabka waxay ka mideysan yihiin in Caasimadeena nabad iyo xasilooni ka jirto, qof shisheeye ah, ama sokeeya laguma dhaco, mana lagu dhibaateeyo, cid kasta oo fowdo iyo dhibaata wadana waa ka hortageynaa”ayuu yidhi Madaxweynaha Djibouti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, waxa la weydiiyay waxyaabaha hormarka uu dalkiisa ku tallaabsaday mudada 16-ka sano inuu qeexo, wuxuuna ku dooday in wax baddan oo horumar ah ay gaadheen oo Dalkiisu yahay xiligan mid la qiimeeyo oo maqaam sare ku leeyihiin Afrika, Carabta iyo dalalka Islaamka.

Mucaaradka awooda baddan lahayn ee dalka Djibvouti, ayaa ku gacan saydhay dhowaan markii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele sheegay inuu mar Afraad tartan u gelayo kursiga kadib muddo 16 sano ah oo uu xukunka hayay.

Dhinaca kale waxay mucaardku jawaab ka bixiyeen eedaymaha Madaxweynaha Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee USN Axmed Yusuf Xumad oo jooga magaalada Djibouti, ayaa sidoo kale Waraysi uu siiyay Idaacada BBC, wuxuu si weyn u beeniyay eedahaa, wuxuuna ku tilmaamay kuwo aan xaqiiqda ku dhisnayn.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380