boqashada MadaxweynahaDjibouti
Mogadishu(ANN)Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo booqasho laba maalmood qaadatay ku joogay Dalka Somalia, ayaa maanta ku laabtay Dalkiisa.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele intii uu booqashada ku joogay Somalia, wuxuu noqday madaxweynihii u horeeyay ee ka socda dal kale ee booqda meel ka baxsan Caasimada dagaalada dilalka qorshaysan iyo qaraxyadu hadheeyeen ee Muqdisho, wuxuuna Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo uu weheliyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud booqday maanta ka hor intii aanu ku laaban dalkiisa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxda iyo ciidamada AMISOM.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kulan la qaatay hoggaamiyayaasha bulshada Beledweyne, waxayna ku baaqeen in la joojiyo colaadda beelaha ku dhexmarta gobolka Hiiraan, isagoo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele sheegay in Madaxweynaha Somalia uu bixinayo wixii khasaare ka dhashay dagaalka. Sidaa awgeed la joojiyo colaaddaha iyo dagaalada, iyadoo ay deegaankaa ku sugan yihiin Ciidamo ka socda Djibouti oo ka mid ah kuwa AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Somalia, kuwaas oo ay dawlada Djibouti sheegtay inay kordhinayso sida uu Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele sheegay.

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagay Soomaaliya, isagoo shalay ka qeybgalay xus magaalada Muqdisho lagu qabtay, kaas oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa biladda ugu sareysa dalka guddoonsiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taas oo lagu guddoonsiiyey xaflad casho sharaf ah oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

bilada Madaxweyne geele la siiyayMadaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle iyo shacabka reer Djibouti ay wax weyn u qabteen shacabka iyo dalka Soomaaliya, isla markaana uu mudan yahay biladdaasi iyo wax ka badan, Soomaalidanna aaney weligood ilaabi doonin abaalka loo galey.

Madaxweynaha Djibouti oo isna munaasabaddaasi ka hadley ayaa sheegay in mar walba uu taageero hiil iyo hooba la garab taagan yahay Soomaaliya.

Xafladda casho sharafta ee Madaxweynaha Djibouti lagu guddoonsiiyay biladda waxaa kale oo ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya , Maxamed Cusmaan Jawaari, Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubnaha wafdiga Djibouti, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Soomaaliya, xubnaha Baarlamaanka, taliyeyaasha ciidammada, xubno ka tirsan Akadememiyad Goboleedka Afka Soomaaliga iyo marti sharaf kale.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews