Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki,ayaa booqasho ku tegey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaradaha  ee Aadan Caddekusoo dhoweeyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdigiis,  ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadanay ku joogi doona Soomaaliya, kaddib casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay madaxtooyadda Soomaaliya.

 “Booqashadan ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Eretria iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee kuwaajahan  amniga, dhaqaalaha iyomaalgashiga”  ayaa  lagu yidhi, qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

 Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa July 2018, booqday magaalada Asmara ee dalka Eritrea, iyadoo isbedelka mandaqada ee heshiiska dalalka Ethiopia iyo Eretria saamayn ku yeeshay xidhiidhka dalalka, isla markaana Ra’iisalwasaraha Ethiopia Abiy Axmed oo markaa kadib booqday Magaalada Muqdisho, isagooheshiisyo ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarahaEthiopia.