Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa ka hadlay geerida Allah ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo xilligan ahaa guddoomiyaha Madasha Wadatashiga ee ay ku midoobeen siyaasiyiin u dhashay Somaliland.


Marxuumka oo xallay ku geeriyooday caasimada Somaliland ee Hargeysa, isla markaana Aas qaran loogu sameeyay maanta xabaalaha Toon ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, iyadoo aaska marxuumka ay ka qaybgaleen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, axsaabta mucaaradka, golayaasha guurtida, wakiilada iyo dad weyne tiro badan.

Muj. Xasan Guure dhawrkii maalmood ee u danbeeyay xannuunayay, ayaa lala xidhiidhiyay geeridiisa xannuunka COVID-19, waxaana Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo shacbiga Somaliland ka tacsiyeeyey geerida Marxuumka qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda lagu yidhi, “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac”.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi halgamaa ah oo kaalin weyn ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Sonmaliland, isagoo ka mid ahaa haldoorkii qaybta weyn ku lahaa halgankii iyo dib ula soo noqoshadii xornimadii 1960-kii inaga luntay ee aynu dib ula soo noqonay 1991-kii.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka Allah uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhanbaal tacsi ah oo kasoo baxay xafiiska lagu yidhi, “ Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Mudane: Saleebaan Maxamuud Aadan, isagoo ku hadlay magaciisa iyo ka golaha guurtida waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa qoys, ehelkii, asxaabtii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay alle ha u naxariistee marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo xalay ku geeriyooday magaalad Hargeysa.

Guddoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan, wuxuu sheegay in marxuumku ka mid ahaa mujaahidiinta dalka xoreeyey, isla markaana uu door laxaad leh ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo ku sifeeyey inuu ahaa shakhsi wanaagasan.
Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka illaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna illaahay Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Dhinaca kale, masuuliyiinta ka qaybgalay Aaska marxuumka, ayaa dhammaantood ka waramay taariikhdii uu lahaa Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac iyo shaqsiyadii uu lahaa, waxayna tilmaameen doorkii uu ku lahaa halgankii dalka iyo dib u xorayntii, iyadoo hadalo ka jeediyeen halkaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Mujaahid Ibaarin Cabdullaahi Xuseen (Dhega-weyne), Muj Cali Gurey oo dhammaantood ku sifeeyey Marxuumku inuu ahaa shaqsi halgamaa ah oo dulqaad iyo dun lahaa.

Muj; Boose Yuusuf, Ducaale, ayaa isna dhankiisa ka hadlay taariikhdii uu lahaa Muj. Marxuum Xasan Guure iyo xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay, wuxuuna tilmaamay taariikhda uu lahaa, iyadoo dhammaan masuulka ka hadlay geerida maxruumka, waxayna marxuumka illaahay uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna illaahay Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

Hoheey gabalkii dhaciyo
Ileen goor iyo ayaan
Qofbaa galbanaaya oo
Ka guura aduunaydee
Warkuu c/laahi ganey
iisoo gudbiyeen ka naxay
Ma geesi halyay ahoo
Geyiga Somaaliland
Abaal badan geliyay oo
Maatida u gargaari jiray
Ayay geeridu dishoo
Waxaa go,ay geesigii
Ka galay taariikhda baal
Halyeygii miyuu galbaday
Dadkoo dhami garanayeen
Ma tagey xasan guure oo
Gobtii ma xaqaa arlada
Ka guur yidhi oo u raray
Guriga loo wada socdoo
God iyo iilbaa la dhigay
Halyeygii guul u dirir
Gees kale oo aad martiyo
Hadaan ged kaleeto jirin
Guulena qadarkiisa tahay
Yaqiinta guddoonasaye
Hadaanan abaal gudayn
Wallee kama gaabsadee
Hiil iyo garashuu lahaa
Garaad saxanbuu lahaa
Mujaahid gef diid ahoo
Garqaadasho leh buu ahaa
Guddoon adagbuu lahaa
Golaha nin ka doodi kara
Han gaabnina aan lahayn
Oo aan gabbanbuu ahaa
Gob aan la iloobinoo
Bulshada aan kala gurine
Duuduub ku gudoomiyoo
Dadkiisa la gees ahoo
Dan gaara inuu ku lumo
Ta guud uga leexdayoo
La hubo oo lagu goblamay
Ayuu xasan guure yahay
Ducana waan kusii gelbine
Godkiisa alloow ka yeel
Goobaha naxariista oo
U gogol oo haku yarayn
Macbuud garansii xaqoo
Waydiimaha ugu gargaar
Gefkiyo danbigana tiroo
Rabboow janadaada gee

Axmed Cismaan Batuun…2020……

Baroordiiqda mujaahid
(Xasan Guure Jaamac