Baaq Koox La Baxday Somaliland global diaspora forum

Hargeysa(ANN)-Madasha Somaliland Global Diaspora Forum, oo ay ku bahoobeen qurbe-joog reer Somaliland ah oo isugu jira, xubno u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, aqoonyahanno iyo arday ku kala sugan illaa 7 dal oo kala geddisan oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Canada, Faransiiska, Jarmalka, Holland, Lubnaan iyo Qadar, waxay ka wada hadleen xaaladaha ka jira gudaha Somaliland ee taabanaya nolosha bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka gudihiisa ama debeddiisaba:

Ø Maadaama qurbe-joogtu ay yihiin cidda ugu badan ee dhaqaalaha u dirta dalka, isla markaana lacago badan ugu deeqay xisbiyada siyaasadda xilliga ay ku jiraan ololaha doorashada.

Ø Maadaama oo kala qaybsanaanta ka jirta guduhu si weyn u saamaysay, bulshada reer Somaliland ee ku nool qurbaha, inta kala qaybsanaantaasi ka jirto gudahana, ay adkaanayso in la mideeyo bulshada reer Somaliland ee qurbaha ku nool ee isku danta ah.

Ø Maadaama oo ujeedada ugu weyn ee golahan loo yagleelay ay tahay, in lagu taageero horumarka Somaliland iyo inuu ahaato qaran wakhti dheer sii shaqeeya, oo aqoonsi ka hela beesha caalamka, si hadafkaas loo gaadhona ay muhiim tahay in la helo bulsho midaysan,

Waxaa xubnaha golaha u caddaatay in laga shaqeeyo tallaabo kasta oo lagu hagaajin karo, wada noolaanshaha bulshada reer Somaliland ee gudaha, si wadamada debeddana looga helo bulsho midaysan, oo si wada jira ugu adeegi kara horumarka Somaliland.

Qodobada ugu muhiimsan ee Somaliland haatan horyaalla ayaa ah, in la qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada si loo helo, ugu yaraan golayaal haysta taageeraada bulshada, isla markaana bedeli kara golayaasha haatan jooga ee xilku ka dhamaaday kuwaas oo aan haysan kalsoonidii shacabka soo doortay, haddaba Xubnaha Golahani:

Ø Waxay u arkaan inay muhiim tahay in Somaliland ay qabato doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, si bulshadu fursad ugu hesho inay soo doortaan golayaal metela oo codkooda ku fadhiya.

Ø Waxay aad uga xun yihiin in muran la geliyo xulista xubnaha guddida doorashada, iyada oo marka horeba ay ahayd in xulistoodu ay ka madax banaanaato shakhsiyaadka tartamaya.

Ø Waxay aad uga xunyihiin, in Madaxweynaha oo ah ilaaliyaha sharciga dalka inuu soo magcaabo xubno, lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Xisbiyada siyaasadda, iyada oo sharcigu arrintaas aanu ogolayn.

Ø Aad uga xunyihiin, in Xisbiga Waddani, inuu ku degdego, qorista waraaq uu ku hakinayo ansixinta xubintii ka socotay xisbigiisa, tallaabadaas oo aan taageerayn dardargelinta qabsoomidda doorashada, hase ahaatee ay ahayd inuu jid kale oo taageeraya qabsoomidda doorashada u maro, aragtida uu qabo xubnaha uu eedaynta u jeediyey.

Haddaba Xubnaha Goluhu waxay ugu baaqayaan

Ø In Madaxweynaha iyo xisbiga waddani ay tanaasul u muujiyaan bulshada Somaliland ee ku ixtiraamtay inay hormuud siyaasadeed u noqdaan, haddii ay hoggaanka siyaasaddu eegaan danohooda oo keliya, waxaa imanaysa xilli bulshadu ka aamin baxdo hannaanka doorashada iyo qori isu dhiibka Somaliland, waana arrin halisteeda leh.

Ø In madaxweynaha oo ah xafiiska keliya ee sharci ku fadhiya, maadaama golayaashii kale ee la dooranayey dhammaantood ay ku fadhiyaan muddo dhaaf, ama qaarkood aanay wax sharci ahba ku fadhiyin sida golayaasha deegaanka oo wakhtigoodii dhamaaday 28/04/2019, iyada oo aan loo samayn wax muddo kordhin ah, haddana ay weli shaqada sii wadaan. Haddaba madaxweynaha waxaa la gudboon inuu tanaasulo oo ka shaqeeyo in doorasho dalka ka dhacdo, “…madaxweyne 19 bilood ayaa lagu muransanaa arrinta komishanka, iyada oo aan dhinacna tanaasul muujin, haatanna waxay taladii ku soo gebagebowday, sidii aad aragti ahaan qabtay, haddaba mudane madaxweyne haatan adigu tanaasul muuji oo ka shaqee in doorasho dalka ka dhacdo…”

Ø Waxaan uga digaynaa in golaha Guurtidu sameeyaan wax muddo kordhin ah. Wakhtiga doorashadu dhacayso, waxaa habfarsamo u soo gudbin doona guddida cusub ee doorashada, marka ay xilka la wareegaan.

Ku Saabsan Golaha:

Somaliland Global Diaspora Forum oo loo soo gaabiyo SOGDIF waa madal dhexdhexaad ah oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah aqoonyahanka, xubno u dhaqdhaqaaqa Arrimaha Bulshada, iyo arday ku kala nool Maraykanka, Canada, Asia iyo Yurub. Madashan ayaa ujeedadeeda ugu weyni ay tahay in dedaallada laga wado wadamada debedda ee ay ku nool yihiin bulshada Somaliland inay noqdaan kuwo xidhiidh la leh, hawlaha ka socda dalka gudihiisa, isla markaana codka qurbe-joogtu uu noqon karo mid saamayn ku leh hawlaha dalka gudihiisa ka socda, maadaama oo ay yihiin cidda dhaqaalaha ugu badan ku taageerta bulshada Somaliland iyo xisbiyada dalka ka arrimiya xilliyada ay ololaha doorashada ku jiraan, sidoo kalena duruufaha ka jira dalka gudihiisu ay saamayn weyn ku yeesheen bulshada reer Somaliland ee ku nool wadamada qurbaha. Inta kala qaybsanaantu ka jirto gudaha dalka, waxaa sii jiraya kala qaybsanaanta dhextaalla bulshada reer Somaliland ee wadamada debedda.

Golahan oo xidhiidh soke la yeelanaya bulshada rayidka ah ee ka hawlgasha gudaha Somaliland ayaa ka shaqayn doona, taageeridda Dimoqraadiyadda, Xorriyadda Hadalka iyo Arrimaha bulshada reer Somaliland eek u nool wadamada qurbaha.

Wixii faahfaahina kala soo xidhiidh

Khadar Axmed Xasan

Xidhiidhiyaha Golaha

France

GlobalSomaliland@gmail.com

Twitter: @GlobalDiaspora1