Araweelo News Network

President of the Republic of Somaliland Muse Bihi Abdi [Photo file Araweelo News ]


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa subaxii hore ee saaka kormeer kedis ah ku tegay xarunta guud ee wasaaradda Horumarinta maaliyaddu ku leedahay caasimadda Hargeysa.
Kormeerkan uu madaxweynuhu ku tegay xarunta guud ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa hannaanka shaqo ee wasaaradda oo laf-dhabar u ah horumarka qaranka, isla markaana uu maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaba ugu dhiirrigelin lahaa inay laban-laabaan dedaalka shaqo ee ay qaranka u hayaan.
Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu mid mid u galay xafiisyada kala duwan ee xarunta wasaaradda oo ay si hamsami leh uga socotay shaqada maalinlaha ah ee caadiga ahi, isaga oo halkaas kula kulmay shaqaalaha ka hawlgala xarunta wasaaradda oo ku gudo jira gudashada hawl-maalmeedkooda.
Intaas kaddib, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka dhegaystay wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, kaas oo si qoto dheer uga xog-warramay horumarka ay wasaaraddu ku tallaabsatay muddadii uu gadh-wadeenka ka ahaa, waxana uu yidhi, “Madaxweyne muddadii aanu joognay waxa aanu aad xoogga u saarnay kobcinta dakhliga qaranka oo aanu maamulkii cashuurraha dib u eegin iyo dib-u-habayn dheer ku samaynay, welina aanu wadno iyo cashuurradaha berriga oo iyagana aanu doonayno inaanu aad xoogga u saarno, dal kasta oo adduunka ka jiraana waxa uu ku tiirsan yahay cashuurraha berriga, sidoo kale waxa aanu diyaarinay siyaasaddii miisaaniyadda, waxa kale oo aanu soo saarnay miisaaniyaddii qaranka ee 2018-ka, nidaamka shaqaalaha ee wasaaradda horumarinta maaliyadda, ayaanu isagana is-beddel ku samaynay.”
Wasiirku waxa sidoo kale uu sheegay inay wasaarad ahaan ku guulaysteen inay gelinka dambe shaqeeyaan, soona xareeyaan dakhli qaranka muhiim u ah oo dhinaca cashuurraha ah, “Madaxweyne waxa aad ogtahay inaanu hirgelinay shaqada gelinka dambe, waxana aanu noqonnay wasaaradda qudha ee gelinka dambe shaqaysa, maadaama oo ay shaqaalihii nagu bateenna dad waddaniyiin ah baa fikirkaas nagu soo kordhiyey in shaqaalaha aanu laba qaybood u qaybinno, waxana noo soo baxday in dakhligii aanu gelinka dambe qabanaynaynay uu maalmaha qaarkood ka bato kii gelinka hore,” ayuu yidhi wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey shaqada wasaaradda horumarinta maaliyaddu qaranka u hayso, waxana uu xusay inay maaliyaddu laf-dhabar u tahay geeddi-socodka horumarineed ee qaranka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Masuuliyadda , saaran ee umadda oo dhammi I dinka sugayso, dawladduna idinka sugaysaa waa dadka baahan, aadna waad ugu mahadsan tihiin saacadaha badan ee aad shaqaysaan, waayo maaliyaddu waxa ay kamid tahay meelaha ugu badan ee lagu shaqeeyo qalin, buug iyo fikir, hawshana waxa ugu culus ta fikirka ah, dadkuna waxa ay ku kala hor maraan sida ay maskaxdu u shaqayso’e kuma kala hor maraan sida ay u kala xoog waaweyn yihiin.Waxa aan jeclahay inaynu wadaagno ra’yiga ah dalkan sidii aynu wax ugu qaban lahayn, halka aad eegtaana waa baahi.”
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Maaliyadda waxa laga doonayaa oo umaddu idinka doonaysaa inaad hal koox(One team) noqotaan oo ay fikrad ballaadhan abuurto oo isu tagto, waanan idiinkaga mahadnaqayaa horumarka aad samayseen, innagana laba hal baa la inaga rabaa inaynu saxno, inaynu kii lacagta hayey ku dhiirrano wixii sharcigu ku waajibiyey iyo inaynu waxa aynu kaas lacagta haya kasoo qaadnay aynu caddayno inaynu gaadhsiinnay kii faqiirka ahaa oo aan la ina odhan dhexdaad ku lunsanaysaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Intaas kaddib, hawl-wadeennada kala duwan ee wasaaradda Horumarinta maaliyaddu waxa ay madaxweynaha si furan ula wadaageen horumarka wasaaradda iyo caqabadaha kala duwan ee hor taagan, kuwaas oo uu madaxweynuhuna dhegaha u raariciyey, ballanna ku qaaday inuu u hagar bixi doono sidii meesha looga saari lahaa dhammaanba caqadaha kala duwan ee wasaaradda ku gedaaman.
Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay gargarrada maamulka Muqdisho ku hayo Somaliland iyo hagardaamooyinka is-daba joogga ah ee ay ku curyaaminayaan horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay, taas oo uu sheegay in lagaga bixi karo midnimo iyo isku duubni, waxana uu yidhi, “Dhibaatada jirta waxa inoo dheer dagaalka Soomaaliya inoo dhexeeya oo muddadii 27-sano ahayd ee aynu qaranka goonnida isu taagay ahayd dagaalka ay inala galeen baa ka weyn 30-kii sano ee hore dagaalkii naf iyo maalba lahaa ee ay inala galeen, iyada oo marka horeba aanay sadaqo wax lagu faano ahayn oo ay ceeb iyo yax-yax tahay inaynu baryo ku hadalnaa, ayaa haddana tii(Deeqdii) lafteedii la isugu yimi oo waxa ay yidhaahdeen waxan yar ee Somaliland aad siinaysaan yaan la siinnin, qolada wax bixinaysaana waxa ay yidhaahdeen ma ahee sidoodii aanu ku wadno, saakana Afartii gobol qoraal bay wada saxeexeen ah Somaliland yaan waxba la siinin, waxaas oo dagaal ahna waxa aynu kaga baxaynaa innaga oo Ilaahay maskaxda uu ina siiyey iyo awooddeena ka faa’iidaysanna.”