Switzerland, Davos (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabuillaahi ayaa Waraysi uu bixiyay intii uu ku sugnaa Shirka caalamiga ah ee Switzerland Davos, wuxuu si ballaadhan u shaaxay qadiyada Somaliand iyo Ahmiyada dhaqaale iyo amni ee ay gobolka iyo dunida u leedahay.

Sida uu baahiyay  Afhayeenka Madaxweynaha

Xuseen Aadan Cige (Deyr), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Somaliland  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo weli ku sugan Davos, Switzerland (World Economic Forum) oo waraysi qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Wariye Caan ah John Defterious.

Waraysiga ayuu Madaxweyne Cirro  maanta hoggaamiyeyaasha Beesha Caalamka iyo maalgashadayaasha dunida ee ka qayb-galay Shirka Sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee ka dhacay  Davos kula gar-naqsaday in ay dib u qiimeeyaan kaalinta ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Masraxa Caalamiga ah, isaga oo xusay in Jamhuuriyada Somaliland ay in ka badan soddon sano ku naaloonaysay nabad, dawladnimo dimuqraadi ah, amni iyo xasillooni buuxda, iyada oo ku taalla Gobolka Geeska Afrika oo ay colaaduhu ku badan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dalka Somaliland ku tilmaamay Albaab Istiraatiiji ah oo isku xidha Afrika, Bariga Dhexe iyo Marrinada Ganacsiga Caalamka, isaga oo faahfaahiyay fursadaha ku jira khayraadka kala duwan ee dabiiciga ah ee ay leedahay Somaliland (Sida: Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanaha kala duwan iyo Shidaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu madasha ka caddeeyey in Somaliland ay raadinayso iskaashi iyo wax-wada-qabsi, balse aanay raadinayn gargaar iyo gacan-hoorsi, isaga oo sheegay in Somaliland ay u soo bandhigayso maalgashadayasha xasillooni siyaasadeed, amni, kala dambayn iyo kalsooni sharci, taasi oo dhif iyo naadir ku ah Gobolka Geeska Afrika oo aad u xasaasi ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si weyn u soo dhaweeyey Aqoonsiga ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo uga mahadnaqay Dawladda Israa’iil geesinimada ay muujisay, Waddammada kale ee dunidana ku dhiirrigeliyey in ay raacaan tallaabada iyo tusaalaha wacan ee Israa’iil oo ay aqoonsadaan xaqiiqooyinka siyaasadeed ee dhabta ah ee ka jira Gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay iskaashiga gobolka ee sii ballaadhanaya, oo ay ka mid tahay in Somaliland ay Itoobiya siisay adeeg marrin ganacsi oo Badda Cas ah, isla markaana ay sii horumarinayso isku-xidhka ganacsiga, tamarta iyo isu-socodka alaabada ee xuduudaha.

“Ma nihin kuwo gargaar dalbanaya, waxa aannu u nimid in aan soo bandhigno iskaashi ku dhisan nabad, dimuqraadiyad iyo fursado dano-wadaag..” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Gebogabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqay in Somaliland ay mutaysatay in lagu abaal-mariyo
nabadda iyo xasilloonida ay muddada dheer ku naaloonaysay, loona beddelo Aqoonsi Buuxa si ay Somaliland si dhab ah uga qayb gasho Dhaqaalaha iyo la macaamilka bulshada Caalamka.

“Si wadajir ah aynu ballanqaadka ugu bedelno horumar, awoodeena ugu bedelno barwaaqo sooran iyo iskaashi taariikhda gala,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.