Axmed yasin
Hargeysa(ANN)Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyay qudbadii Madaxweyne Siilaanyo sanadka cusub warbaahinta u mariyay shacbiga, Balse Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyin, lagana sugayn hadal uu ka yidhaahdo xaaladaha Gobolka Awdal, balse, laga sugayey jawaab ficil ah oo la xidhiidha wax-ka-qabashada tabashooyinka reer Awdal.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hadal uu soo saaray maalintii Jimcaha ku sheegay inay soo dhawaynayaan, kana garaabayaan tabashooyinka madax-dhaqameedka Gobolka Awdal hore ugu soo jeediyeen, isagoo xusay in cidna laga aqbali doonin waxyaabo ka soo horjeeda qarannimada Somaliland.
“Dalka Somaliland waa dal nabdoon oo dimuqraadi ah, dadkiisuna waxay ku heshiiyeen in ay codkooda isbeddelka ku sameeyaan. Qori lagama oggola cid aan ahayn Ciidamada Ammaanka, cidkasta oo ka talawda xuduudda qarannimada waxay ku amran yihiin inay gacan buuxda ku qabtaan, waxaanay u leeyihiin awood ku filan iyo sharciyad dhammaystiran.
Waa wax kala gaar ah tabashada iyo qaran-dumis-nimadu, kii wax tabanaya ee sida odayadii dhaqanka ee halkan iigu yimi waa soo dhawaynaynaa, waa u garaabaynaa wixii ay leedahayna waa marinaynaa, balse qofka sida Suldaan Wabar qaran dumiska ah ee qoriga qaata, waxaannu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayuu yidhi madaxweynuhu.
Hasayeeshee, Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo waraysi siiyey idaacadda VOA shalay, waxa uu sheegay in aannu madaxweyne Siilaanyo ilaa hadda bixin jawaab ficil ah oo wax lagaga qabanayo tabashooyinka reer Awdal.
“Arrinta Gobolka Awdal uu madaxweynuhu kaga hadlay, waxaan is leeyahay madaxweyaha jawaabtii laga sugayey hadal ma ahayn, laakiin, tallaabaa laga sugayey si dadku u degaan, waana kii ka garaabay cabashooyinkii jirey…Jawaabtii la sugayey ficil bay ahayde hadal ma ahayn, xataa kaa ka duday (Suldaanka cadhooday) ee uu sheegayey waxay ahayd inuu la xidhiidho oo may ahayn inuu hadallo iskaga yidhaahdo, siduu doonaba ha u dhigee ka cadhoodayna isagaa u madaxwyene ah,” ayuu yidhi xildhibaanku.
Waxa kaloo uu xusay in madaxweynaha ay masuuliyad ka saaran tahay sidii wax looga qaban lahaa wax kastoo khilaaf ku keenaya Somaliland, waxaannu yidhi; “Madaxweynaha iyo ummaddii hadashay waynu isku waafaqsanahay, madaxweynaha masuuliyaddu waxay ka saaran tahay wax kasta oo khilaaf keenaya, cabashadanina waxay u timi isagoo lix bilood joogay, maantana lixdii bilood ee ugu dambeeyye ayuu ku jiraa, xataa waxa uu xaq u leeyahay inuu yidhaahdo xaq uma lihidin waxa maqan. Cidda go’aanka laga sugayo ee laga cabanayo maaha wasiir, madaxweynaha ayeyna leeyihiin sadbursiimo ayaan arkaynaaye xaqayaga na sii.”
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle sheegay in aanay reer Awdal cidna uga tagi doonin Somaliland, waxaannu yidhi; “Arrinta gobolka hadday ogtahay inuu suldaan Wabar guutooyin urursaday oo uu soo wado maxaa dawladaha jaarka looga been abuurayaa, reer Awdal hadday Somaliland ka xiisoodaan oo ay Xamar u xiisoodaan tallo ayaannu isugu imanaynaa, tanna (Jamhuuriyadda Somaliland) in na looga tago mooyaane cidna uga tegi mayno.”ayuu yidhi Xildhibaan Ayaanle.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com