UHURUNairobi(ANN)Madaxweynaha Dalka President Uhura Kenyatta, ayaa shaqada ka joojiyay Afar ka mid ah golihiisa wasiirada iyo saraakiil sare oo gaadhay 17 xubnood. Kadib markii todobaadkan warbixin ay soo saareen gudida anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqu oo loo gudbiyay Madaxweynaha kaga dalbadeen in xubnahaa ay galeen raadad musuq-maasuq iyo astaamo muuniya inay ku kaceen falaal anshax-xumo iyo wax is daba marin. Sidaa awgeed shaqada laga joojiyo.
Sida lagu faafiyay wargeyska afka dheer ee Daily Nation oo kasoo baxa dalka Kenya, waxa uu wargeysku sheegay isagoo soo xiganaya warbixintaa oo uu ku saxeexanyahay Mr. Manoah Esipisu oo ah Afhayeen u hadlay (Ethics and Ant-Corruption Commission) oo ah guddida anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Kenya ee loo soo gaabiyo (EACC).
Xubnaha wasiirada ah ee shaqada laga joojiyay, ayaa magacyadooda lagu sheegay, wasiirka dhaqanka Felix Kosgey, wasiirka Energy-ga Davis Chirchir, wasiirka gaadiidka Michael Kamau iyo Wasiirka Shaqada Kazungu Kambi.
Sidoo waxa warbixinta guddida lagu sheegay inuu jiro wasiir kale oo muhiim ah, kaas oo aan weli magaciisa la shaacin, iyadoo ay xubnaha shaqada laga joojiyay ku jiraan 17 sarkaal oo kale, kuwaas oo dhamaantood lala xidhiidhiyay musuq-maasuq.
Tallaabada Madaxweyne Kenyatta, ayaa ka danbaysay kadib markii mucaaradka uu Hoggaamiyo Raysal wasaarihii hore Raila Oding ku eedeeyay dawlada Maadxweyne Kenyatta inay tallaabo qaado oo ay wax ka qabato musuq-maasuq ragaadiyay dawlada.
Kenya, waxay ka mid tahay meelaha dunida ugu musuq-maasuqa baddan, iyadoo xukuumadda waqtigan ee Uhuru Kenyatta doonayso inay arrinta wax ka qabato, isla markaana la tacaasho la dagaalanka musuq-maasuqa, wuxuuna go’aanka xilligan ee Madaxweyne Uhuru oo aan looga baran Madaxda Afrikaanka soo jiidanayaa indhaha rayal caamka bulshada iyo kuwa beesha caalamka oo marar baddan kala hadashay Kenya inay wax ka qabato musuq-maasuqa ragaadiyay Hay’addaha dawlada.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews