Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeega loo bixiyay E-shilling oo munaasibad lagu shaacinayay lagu qabtay Hargeysa, kaasoo sahlaya in shaqaalaha dawladdu mushaharooyinkooda ku qaataan qaab Electronic ah ama Online ah.

Bangiga dhexe ee Somaliland, ayaa hindisay mashruucan, waxayna sheegeen in barnaamijkani wax badan ka qaban karro adeega islaxisaabtanka iyo hufnaanta, isalamrkaana ay fursad u tahay shaqaalaha dawladda ee jooga goboladda dalka oo hal mar ay wada gaadhi doonto mushaharkoodu.
Dhinaca kale, mashuurac ayaa u muuqda mid xaalufinaya oo neesha ka saaraya lacagta noodhka ah ee Shillinka Somaliland, balse Masuuliyiinta Baanka Somaliland, ayaa ku tilmaamay mid u fududaynaya shaqaalaha inay si dhibyar u helaan mushaharooyinkooda.