shirka Madaxda somaliaMogadishu(ANN)Shir Madaxda Somalia uga socday Magaalada Muqdisho, ayaa burburay. Kadib markii uu galay maalinkii labaad, iyadoo Madaxweynaha Maamul goboleedka Somalia ee Puntland Cabdiweli Maxamuud Gaas bannaanka uga baxay shirka.

Shirka oo ay ka qaybgaleen shank a mid ah madaxda maamulada Somalia iyo Madaxweynaha dawladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh iyo Madaxda Baarlamaanka Somalia, isla markaana la doonayay in lagaga hadlo sidii wadatashi ku saabsan nooca ay noqonay doorasha ka dhacda Soomaaliya marka la gaadho sanadka soo socdo ee 2016, ayaa guuldaraystay.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo heer Faderaal ah, madaxda maamul goboleedyada hadda jira iyo beesha caalamka, ayaa u balansanaa shirka oo ay shalay ka qaybgaleen Madaxweynayaasha Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah Madaxweynaha Jubbaland, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee muranku ka taganyahay iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Waxaana aad loo adkeeyay labadii maalmood ee u danbeeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho, balse madaxda la filayay inay ka yimaadaan Beesha Caalamka oo aa weli gaadhin goobta shirku ka socday, ayaa xaaladu is bedeshay. Kadib markii khilaaf hadheeyay madasha shirka, taas oo sababtay inuu dibadda uga baxo shirka Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo arrimaha shirka ay isku khilaafeen Madaxweynaha dawladda Federaalka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta maamul goboleedka Somalia ee Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Cabdi Wali Gaas uu ka baxay shirka kadib markii sida uu sheegay uu saluugay qaar ka mid ah qodobada lagaga doodayay shirka ee la xidhiidhay ajandaha.
Shirka wadatashiga oo ay hore wadajir ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo raysal wasaare Cumar Cabdirashiid, waxa qorshihiisu ahaa in marka uu dhamaado wakhtiga dawladda hadda jirta 7-da bisha soo socoto ee October 2016, laysku raaco wixii laga yeeli lahaa, iyadoo xukuumadda Xasan Sheekh sheegtay in aanay ahayn in dalka laga qabto waqtigaa doorasho hal qof iyo hal cod (One Man One vote)

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews