Warbixin: By Arraale M. Jaamac Freelance Journalist and Human Rights activist.


Washington(ANN)– Aqalka Wakiilada Mareykanka ee Kongaraeska, ayaa maamuus ka xayuubin ku qaaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib markii lagu soo ururiyay eedaha loo haystay oo ahaa inuu si xun u isticmaalay awoodda xafiiska iyo Inuu horjoogsaday codsigii Aqalka Kongareeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waxyaabihii ay ka codsadeen intii lagu jiray baadhista eedaha lala xidhiidhiyay.


Aqalka Kongareeska ay aqlabiyadiisa haystaan Xisbiga Dumuqraadiga, ayaa labada qodob mid walba gaarkiisa ugu codeeyay,waxayna si aqlabiyad ah u taageereen labada qodob ee ku xadgudubka awoodda iyo carqaladeynta Golaha.
Qodobka kowaad ee xadgudubka awoodda loo gudbiyay cod, iyadoo 230 ay oggolaadeen, halka ay diiday 197, sidoo kale waxa loo codeeyay qodobka labaad ee xannibaadda iyo inuu horjoogsaday Aqalka Kongareeska, waxaana oggolaaday 229, halka ay diideen 198. xildhibaan.

Codbixinta oo loo arkayay mid taariikhi ah, ayaa Arbacadii, ka dhacday Aqalka Capitol Hill ee Koongareeska Mareykanka ee Washington DC, waxaana loo gudbinayaa Aqalka Guurtida ee Senetka oo ay aqlabiyadiisa haystaan Xisbiga Republican ee Madaxweyne Trump kasoo jeedo, kuwaas leh awoodda lagu Maxkamadaynayo Madaxweynaha, iyadoo sharciga dalka Maraykanu dhigayo in saddex meeleed laba meelood (2/3 majority) loo baahanyahay.
Golaha Guurtida ee Senetka ayaa busha janewery ee 2020, bilaabaya Maxkamadaynta Madaxweyne Trump oo noqonaya Madaxweynihii saddexaad ee lagu ooggo maamuuus ka xayuubin Taariikhdii Maraykanka 243-kii sannadood.


In kasta oo ay jiraan baadhitaanno badan oo la xidhiidhay Madaxweyneyaal la doonayay in maamuuska laga xayuubiyo, balse waxa xilka laga xayuubiyay oo keliya seddex Madaxweyne taariikhda Mareykanka, kuwaas oo kala ahaa Mr. Andrew Johnson, Bill Clinton, iyo Donald Trump oo noqonaya kii saddexaad, halka Madaxweyne Richard Nixon is casilay intii ay socotay maamuus ka xayuubintu 1974.

Afhayeenka baarlamaanka Nancy Pelosi, ayaa ku dhawaaqday 24, September 2019, baadhitaan rasmi ah oo ah in lagu sameeyo Madaxweyne Trump si xafiiska looga eryo, waxaana la sameeyay guddiyo dhowr ah oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka si ay ugu sameeyaan baadhitaan, kuwaas oo dhawr bilood soo waday baadhitaanka lagu hayay Madaxweyne Trump.

Waxaana ugu danbayntii Kongareesku ku meel mariyeen cod aqlabiyad ah xil ka xayuubinta Madaxweyne Trump, taas oo si weyn looga dareemayay intii ay socotay Dalka Maraykanka iyo guud ahaan Caalamka, isla markaana waxa jiray Hay’addo Caalami ah, kuwaas oo u ololaynayay in Madaxweyne Trump lagu qaado eedahaa, isla markaana lagu maxkamadeeyo.


Balse Madaxweyne Trump, ayaa ku doodaya in ay arrintu tahay inqilaab lagu sameeyay Dumuqraadiyada Maraykanka, wuxuuna isha ku hayay arrinta socotay, isagoo maalmahan sidii looga bartay ka gaabsaday inuu arrimahan ka hadlo, laakiin Donald Trump mar keliya ayuu fatahay ka dib markii Aqalka Kongeresku ay ugu danbayntii u fadhiisteen maamus xayuubinta lagu waday, isagoo la socday codeynta iyo khudbadaha xildhibaanada, wuxuuna ugu danbayntii degelka Twitter-ka Trump si isdaba joog ah usoo galinayay boggiisa 60 jeer, isagoo isticmaalaya weedho kulul, taas oo ahayd arrin lala yaabay oo u muuqatay arrin qeyrul-caadi ah.

Sidoo kale waxa jiray dhawaaqyo kale oo sheegayay in aan eedaha waxba ka jirin ee ay yihiin kuwo si shaqsiyan ah loogu weerarayo Madaxweynaha, kuwaas oo kasoo baxayay Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee loo awood sheegtay iyo taageerayaasha Trump.

Wargeysyada, NY Times, Washington Post, USA Today, LA Times, Salt Lake Tribune, Tampa Bay Times, Orlando Sentinel, Boston Globe, NY Daily News, Chicago Sun-Times, Philadelphia Inquirer, SF Chronicle, waxay dhammaantood si isku mid ah ugu daabaceen Guddiyadooda Tafaftirku boggaga hore ee Wargeysyadooda oo ku baaqeen todobaadkan in lagu Madaxweyne Trump maamuus-xayuubinta, isla markaana la maxkamadeeyo.

Sidoo kale, Todobaadkan Dhawaaqyo kale oo lagu shaaciyay maalmihii u danbeeyay Boggaga ay ku wada xidhiidho Bulshadu ee Social Media, ayaa si weyn looga daalacanayay hal-kudheyo ka dhan ah Madaxweyne Trump, kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah Facebook, Twitter iyo baraha kale ee Bulshada ugu qorayay dhawaaqyada ay ku dalbanayaan in sharciga la mariyo Madaxweyne Trump oo noqonaya Madaxweynihii saddexaad ee Maraykanka muddo 243 sannadood taariikhda Maraykanka lagu ooggo dacwad la xidhiidha maamuus-ka xayuubin.

“Waa in laga saaro Xafiiska, Waa in la difaaco Dumuqraadiyada, Ma jiro qof sharciga ka sareeya” weedhahaa iyo kuwo kale oo badan ayaa halkudheg u ah kooxaha doonaya in Madaxweynaha la maxkamadeeyo, isla markaana xafiiska laga saaro.


Guurtidu waxay lahaan doontaa awooda keliya ee ay ku tijaabiso dhamaan qodobada loo adeegsaday xil ka xayuubinta Madaxweyne Trump, waxaana loo eegayaa Qodobka I, qaybta 3aad ee dastuurka Maraykanka, kaas oo dhigaya in garsoorka sare uu maamuli doono maxkamadaynta senate-ka ee madaxweynaha Mareykanka.

By Arraale M. Jaamac Freelance Journalist and Human Rights activist.