Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Qoys ka kooban Afar qof oo xalay uu ku dumay gurgii ay deganaayeen oo ku yaal agagaarka Xerada Bir-jeex ee Koonfur Galbeed ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-damiska iyo dadweyne kale oo ururinaya Maydadka Qoys ka kooba Afar qof oo ku geeriyooday Guri ku dumay magaalada Hargeysa 8 December 2019
Ciidanka Dab-damiska iyo dadweyne kale oo ururinaya Maydadka Qoys ka kooba Afar qof oo ku geeriyooday Guri ku dumay magaalada Hargeysa 8 December 2019


Qoyska oo ka koobna Hooyo Xaamilo ah oo magaceedu ahaa Marxuumad Hinda Aw Axmed, Aabaha qoyskaa Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye iyo Laba Caruur ah oo ay dhaleen, waxaana geeridooda u sabab ahaa, kadib markii roobabkii ilaa xalay da’ayay sababeen dhimashadooda, iyadoo uu kusoo dumay guri ka samaysayn dhoobo oo ahaa dhimayaasha qadiimka ah, kaas oo ku habsaday aqalkooda oo ahaa mid ka samaysan Caws, qoryo iyo Baco.(Buul Soomaali).


Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya masiibadaa ku habsatay qoyskaa oo ahayd mid murugo ah, wuxuu dhanbaal tacsi ah oo kasoo baxay madaxtooyadda, ayaa lagu yidhi sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdimagaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee qoys ka kooban Afar ruux oo kala ah Marxuum Faysal Aadan Cabdi Diiriye oo ah aabbaha qoyska iyo xaaskiisa Marxuuma Hinda Aw Axmed oo xaamilo ahayd iyo laba Carruura oo ku geeriyooday degmada 31 May ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu ku dumay guri qadiimi ah oo ay jaar la’a ahaayeen dhammaantoodna ku nafwaayeen.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” ayaa lagu yidhi, dhanbaalka tacsida Madaxweynaha.


INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN