Madaxweye Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaraha Ethiopia HaileMakallah(ANN)Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Makalla ee deegaanka Ismaamulka Tigreega Ethiopia kula yeeshay Rayasal Wasaaraha Ethiopia, Haile Mariam Desalegn. Sida lagu faafiyay warbaahinta Dawlada Somalia, Labada hoggaamiye ayaa kulankooda kaga wadahadlay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan iyo arrimo kale oo gobolka ku saabsan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulankaa waxaa uu uga mahadceliyey dowladda Ethiopia doorka ay ka qaadaneyso nabadeynta Soomaaliya iyo sidii amniga gobolka loo sugi lahaa. “Waan ku faraxsanahay iskaashiga inaga dhexeeya oo maalinba maalinta ka sii dambeysa sii kordhaya. Shacabka iyo dowlada Soomaaliya marna ma ilaabi karaan taageerada aad inoo fidiseen xiliyadii adkaa. Waxaana rajeynayaa inaan si buuxda uga wadashaqeyn doono in gobolka geeska Afrika uu noqdo gobol xasiloon oo gaara horumar lagu faani karo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh. Raysal Wasaaraha Ethiopia Haile Mariam Desalegn, ayaa dhinaciisa madaxweynaha Soomaaliya mar kale uga mahadceliyey ka qeybgalkiisa xuska 40 guuradii ka soo wareegtay asaaska ururka TPLF, isagoo dhanka kalena ku amaanay dowladda Soomaalida dadaalka ay ugu jirto xasliinta waddanka colaaduhu aafeeyeen ee Somalia. Xuska munaasibadaa oo markii u horaysay uu ka qaybgalo Madaxweynaha Somalia, waxa hore loogu martiqaadi jiray dhinaca Somaliland mudadii Xukuumadda Kulmiye Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ilaa laba xus oo sidan oo kale ah lagu qabtay Makalla ka qaygalay, iyadoo xiligii Xukuumaddii Daahir Rayaale uu ka qaybgeli jiray xuskan Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdullaahi Maxamed Ducaale, kaas oo marar baddan keligii lagu casuumay xuska munaasibadaa, waana markii u horaysay ee Xuska munaasibada ururka TPLF uu ka qaybgalo hoggaamiye ka socda Dawlada Somalia. Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews