Xasan Sheekh MaxamuudMogadishu(ANN)Madaxweyne Mudane Xassan Shiikh Maxamuud oo caddeeyey inuu soo celin doono qaar kamid ah wasiiraddii ay saaxiibada ahaayeen ee qaarkood hore u qirteen inay xilkooda gudan waayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si badheedha ah u shaaciyay in xubnaha ay saaxiibadda ahaayeen aanay ka maqnaanayn xukuumadda cusub ee Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid la filayo inuu soo magcaabo saacadaha soo socda.

Xubnaha Madaxweyne Xasan Sheekh ishaaray, ayaa qaarkood sabab u ahaayeen diidmadii dhowaan Baarlamaanka Somalia ku waajahay xukuumadda Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid, kuwaas oo sabab loga dhigay in la kala diro golaha Wasiiradda ka hor inta aan Baarlamaanka la horgayn si codka kalsoonida ay uga helaan.

Sidoo kale xubnaha galaaftay dhismaha xukuumadda cusub ee Raysal Waasaraha, ayaa lagu tilmaamaa inay sabab u ahaayeen murankii galaaftay labadii Raysal wasaare ee ka horeeyay Cumar Cabdirashiid, kuwaas oo sabab u noqday inay daaqada ka baxaan sidaana ku waayaan xilalkoodii, kadib markii ay muran iyo khilaaf dhexmaray.

Dhinaca kale Labada Qaybood ee Goalaha Xildhibaanadda u kala qaybsan yihiin, ayaa dhinacooda ugu baaqay Raysal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Iyo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud in xubnaha golaha Wasiirada cusub lagu soo daro wasiiraddaa oo ay sheegeen inay hore ugu guuldaraysteen hawlahooda, waxayna ku hanjabeen in haddii aanay Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaruhu tixgelin baaqa soo jeedintoooda ay go’aan addag ka qaadan doonaan oo aanay aqbali doonin inay ansixiyaan xukuumad ay ku jiraan xubnaha ay digniinta ka bixinayaan.

Dhawaaqa Madaxweyne Xasan Sheekh ku ishaaray in xubnaha wasiiradda ah aanay ka maqnaanayn xukuumadda cusub iyo hanjabaada kasoo horjeeda ee xubaha Baarlamaanka oo u muuqda inay ku midaysan yihiin waqtigan mawqifka lagu diidan yahay Xubnahaa, balse waxa la dhawrayaa sida ay wax u dhacaan marka Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid soo saaro liiska xubnaha golaha Wasiiradda ee la filayo inuu soo saaro saacadaha soo socda iyo go’aanka ay ka qaataan xubnaha Baarlamaanku.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com