hasansheekhdiyaarad
Galguduud(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa xalay kulamo gaar gaar ah kula la qaatay halkaa Odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiyiin.

Madaxweyne Xasan ayaa Odoyaasha kala hadlay sidii natiijooyin wax ku ool ah ay uga soo bixi lahaayeen shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb, waxaana uu intaa ku daray Madaxweynuhu in dowladda ay mar waliba garab taagantahay dhaqan gelinta go’aanada dib u heshiisiineed ee ka soo baxa shirka.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Galgaduud Maxamed-deeq Cabdi Maxamed ayaa sheegay  in kulamada uu Madaxweynuhu la qaatay odoyaasha dhaqanka ay ahaayeen kuwa ay saxaafaddu dibad joog ka tahay, sida lagu baahiyay warbaahinta dawlada, balse waxa uu xusay in kulankaasi ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa dhamestirka shirka dib-u-heshiisiinta ee Dhuusamareeb iyo ka qeyb galka shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews