Araweelo News Network
MadaxweynesilanyolastHargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ugu baaqay dawladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Kililka Shanaad ee dalkaas inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo hantida dadka rayidka ah ee dalkooda ku nool.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland shalay, waxa madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu uga damqaday dad badan oo ciidanka Itoobiya ku laayeen degmada Gaashaamo toddobaadkan.
“Madaxweynaha Somaliland waxa uu u soo jeediyey dawladda Federaalka ee Itoobiya iyo dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya in shacbiga la ilaaliyo nabadgelyada iyo hantidoodaba, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shacbiga degaannadaasi inay ka dambeeyaan, lana shaqeeyaan dawladdooda, waxgaradka iyo waayeelka degaankaasina ay dawladdooda kala shaqeeyaan sidii xaaladda loo dejin lahaa, amnigana loo sugi lahaa,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Waxa uu intaas ku daray, “Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu aad uga damqaday dhibaatadaasi soo gaadhay dadka shacabka ah, waxaannu ugu baaqay dadka degaankaasi inay is dejiyaan oo aanay marnaba ku tallaabsan dhibaato lagu saxo dhibaato.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tacsi u diray qoysaska dad isugu jiray waayeel, carruur iyo haween oo lagu dilay dhibaato ka dhacday degaanka Jaamac Dubbad ee gegmada Gaashaamo ee Gobolka Jarar oo ka tirsan dawlad-degaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Waxa madaxweynuhu Ilaahay uga baryey marxuumiintaas inuu jannatul-Fardawsa ka waraabiyo, qoysaska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo.