Araweelo News Network.

# Somaliland  Kumanaan Qof Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqadir

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo badhtamaha caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Allah ha u naxariistee Marxuum  Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo kamid ahaa salaadiinta faca weyn,  oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka dhacay xabaalo ku yaalla badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ay hore ugu Aasnaayeen waalidiintiisii, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay badiba madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland, garaaddo iyo madax-dhaqameed ka socday dalalka deriska ah, hoggaanka axsaabta qaranka, siyaasiyiin, xildhibaanno, aqoonyahan, haldoor kala duwan iyo kumannaan kamid ah shacabka reer Somaliland, waxana si wada-jir ah loogu duceeyey suldaanka geeriyooday.

Kumanaan qof oo ka qaygalay Aaska Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir Image 13

Kumanaan qof oo ka qaygalay Aaska Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir Image 13 Feb 2021, Image Araweelo News Network, Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu suldaanka geeriyooday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, isaga oo sidoo kalena wiilkii curad ee marxuumka isla maantana loo caleemo saaray suldaannimona ugu duceeyey inuu hawsha suldaannimo u fududeeyo, “Ilaahay ha u naxariisto suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa kale oo aynnu maanta halkan uga ducaynaynaa inankiisii oo maanta isagana loo caleemo saaray suldaan, isagana Ilaahay ha barakeeyo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Iyo Masuuliyiinta kale ee ka qaybgalay Aaska Suldaanka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo Masuuliyiinta kale ee ka qaygalay Aaska Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir Image 13 Feb 2021, Image Araweelo News Network, Hargeysa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa fiidkii hore ee xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa, waxana uu hormuud u ahaa madaxda dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xilka suldaannimona soo hayey muddo ku siman 45-sannadood.

Kumanaan qof oo ka qaygalay Aaska Suldaan Maxamed Suldaan Cabuqaadir, iImage Araweelo News Network

Kumanaan qof oo ka qaygalay Aaska Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir Image 13 Feb 2021, Araweelo News Network Hargeysa..

Kumanaan qof oo ka qaygalay Aaska Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir Image 13 Feb 2021, Image Araweelo News Network, Hargeysa.

Kumanaan qof oo ka qaygalay Aaska Suldaan Maxamed Suldaan Cabduqaadir Image 13 Feb 2021, Image Araweelo News Network, Hargeysa.