Araweelo News Network.

Maxaa Lagaga Hadlay Kulanka, Maxayse tahay Ujeedada Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Malawi ?

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  maanta xafiiskiisa qasriga Madaxtooyadda  ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi, Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka oo ahaa mid albaabada loo xidhay, aannay saxaafadu goob joog ka ahayn, isla markaana kulanka ayaa qaatay dhawr saacadood, iyadoo aan si dhab ah loo agayn ujeedada safarka wasiirka Arrimaha Dibbeda ee Malawi oo aan ka mid ahayn dalalka ay Somaliland xidhiidhada la samaysay intii ay lasoo noqotay madaxbanaanideeda ku dhowaad sodonkii sanadood ee u danbeeyay oo ay macaalil iyo xidhiidh dublamaasiyadeed la samaysay dalal badan afrika Aasiya, Yurub iyo qaarada Ameerika, isla markaana ay Somaliland la gashay heshiishyo sida shirkadda Caalamiga ah ee DP World oo maalgelin Malaayiin dollar oo noqonaya mashruucuu ugu weynaa intii ay Somaliland jirtay ee maalgashila gashay, iyadoo mashruucaa maalgelinta ay DP World  ku samaysay Dekedda Berbera ee Somaliland.

Sidoo kale, Dalalka Malawi iyo Somaliland aad u kala fog yihiin, iyadoo ka mid ah Malawi dalalka dhaca Koonfur Afrika, isla markaana ka mid ah dalalka aan lahayn Dekeddaha ee qaarada Afrika., waxayse leedahay harada weyn ee Lake Malawi, taas oo mararka qaar loo yaqaan Lake Nyasa ee marta soohdinta Malawi ee Tanzania iyo Mozambique, walaw dalka ay xadka wadaagaan ee Tanzania ka mid yahay dalalka lagu galo Baasaboorka Somaliland.

Hase yeeshee kulanka Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka Arrimaha Dibedda Malawi iyo dublamaasiyiinta la socda, waxay Madaxtooyaddu ku sheegtay in lagaga wada hadlay xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Malawi oo ah laba dal oo isku taariikh ah, oo ay ka wada tirsanaayeen maxmiyadii Ingiriiska oo labada dalba xukumi jirtay, madax-bannaanidoodana ay ka kala qaateen 26-June-1960 oo ay Somaliland ka heshay xornimadeeda Boqortooyadii Ingiriiska, halka Malawina ay ka heshay 06-July-1964kii. Sidoo kale, kulanka lagu lafo-guray sidii ay labada dawladood u samaysan lahaayeen xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo. sida lagu sheegay qoraal aan faah-faahin dhab ah lagaga bixin ujeedada safarka wefdiga Malawi ee xilligan oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka iyo isku tashiga dawladda iyo shacbigeedu ay halkan ku soo gaadheen, isagoo xusay in shacbiga Somaliland aanu Afrika iyo caalamka toona ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen oo ah aqoonsi buuxa, madaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna.” ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Dhinaciisa, waxa lagu xusay qoraalka in wasiirka arrimaha dibedda ee Malawi  uu madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqay sida milgaha iyo sharafta leh ee dalka loogu soo dhaweeyey, isagoo madaxweynaha Somaliland soo gaadhsiiyey salaan uu uga siday madaxweynaha dalka Malawi.

Madaxweynaha, waxa kulanka  ku weheliyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah. sida lagu xusay qoraalka.

Wasiirka arrimaha Dibedda Mal,Eisenhower Nduwa Mkaka, waxa kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliland iyo   ku weheliyay la-taliyaha madaxweynaha Malawi, Mr. Martin Tom iyo William Bambi oo ka tirsan waaxda arrimaha dibada ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Malawi.

 

Qoraalka, ayaa lagu xusay ugu dambayn in weftiga Malawi muddada ay dalka ku sugan yihiin la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee dawladda, iyaga oo u kuurgelaya hannaanka ay Somaliland ku horumartay iyo Dimuqraaddiyadda ka jirta, walaw aan qoraalka lagu xusin mudada ay joogayaan iyo masuuliyiinta, ama hay’addaha ay la kulmayaan.