Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo Isu-tagga imaaraadka carabta ugu maqnaa hawlo shaqo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay maanta gelinkii danbe.

Madaxweynaham waxa madaarka ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Gudoomiyaha Kowaad ee golaha wakiilada Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo masuuliyiin kale.

Waxaana saxaafadda la hadlay wasiirka wasaaradda Biyaha Mudane Saleebaan Cali Koore iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe.

Halkan ka Daawo Warka Madaxweynaha Iyo Wedigiisa.