kulankamadaxweynaharaysalwasarahaethiopia

Adis-ababa(ANN)Madaxweynaha Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo weli ku sugan xarunta dalka Ethiopia ee Adis-ababa ayaa la kulmay Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa oo shalay gaadhay halkaa.MarwadaMadaxweynesilanyo iyo marwadaraysalwasarahaEthiopia

Ma jiro war rasmi ah oo faahfaahin ka bixinaya ujeedada kulanka iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen labada hoggaamiye oo kulankooda saxaafadu dibadda ka joogtay, balse muuqaal kooban oo warbaahinta xukuumadda Somaliland soo tebisay ayaa si guud loogu sheegay in Labada hoggaamiye oo kulanoodu qaatay ku dhowaad saacad sida uu warbaahinta xukuumadda Somaliland u sheegay Madaxweyne Siilaanyo kulankaa kadib.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxaud Siilaanyo, waxa uu sheegay in waxyaabaha ay ka wada hadleen oo ahaa xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya si fiican isula qaateen, isla markaana kulankoodu ku dhamaaday guul iyo isfaham, balse Madaxweyne Siilaanyo ma sharaxin waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada haleen.

Madaxweyne Siilaanyo waxa booqashadiisa dalka Ethiopia ku weheliya Wasiiradda Arrimaha Dibadda , Arrimaha Gudaha iyo Wsiirka Madaxtooyadda Somaliland iyo Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Maxamuud Jirde oo kulan gaar ah iyadu la yeelatay Marwada Raysal wasaaraha Ethiopia Ms.Roman Tesfaye oo ay ka wada hadleen iskaashiga Haweenka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Dhinaca kale warar shebekadda Wararka ee Araweelo News Network heshay, ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayay oo weli ku sugan dalka Ethiopia la filayo inay 24 Jun 2015, kusoo laabtaan dalka.
Halkan Ka Daawo Kulanka Labada Hoggaamiye ee Somaliland iyo Ethiopia
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.