Araweelo News Network

 

Abu-dhabi(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto  dheer uga hadlay waxyaabaha uga qabsoomay safarka uu ku joogo dalka Imaaraadka Carabta, guulaha uu gaadhay kulamada uu la yeeshay madaxda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo si adag u difaacay heshiiska ay xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda DP World.

Madaxweynaha oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Abu dhabi ee isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay gardarrada qaawan ee maamulka Muqdisho kusoo qaaday qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo maal-gashiga marsada Berbera, waxaana uu sheegay inay Somaliland gudo iyo dibadba isku duuban tahay oo aanu jirin cadow loodin karaa.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu jaaliyadda reer Somaliland uga warramay xaaladda guud ee dalka Somaliland, isaga oo sheegay inay shacabku guud ahaanba ka bogsadeen xanaftii doorashada oo ay si buuxda u midaysan yihiin, isla markaana ay mandaqadda Geeska Afrika iyo Bariga dhexe kasoo korodhay xaalad siyaasadeed oo u baahan in go’aan laga qaato, waxaana uu sharraxay go’aanka ay qaran ahaan ka qaateen xaaladda kasoo korodhay waddamada Khaliijka Carabta, “Dadku xanaftii doorashada wuu kasoo baxay oo wuu kasoo doogsaday, shacabkiina wuu midaysnaa oo meel buu u wada jeedaa, intii doorashada ka dambaysana waxana aynu la kulanay jawi siyaasadeed oo ka aloosan aduunka, gaar ahaan mandaqadda Geeska Afrika ee aynu ku nool nahay iyo Bariga dhexe oo aynu aad isugu xidhanahay, waxaana  soo baxay loollan siyaasadeed oo dadku dhinac isku raacayo oo nin waliba dantiisa qiyaasayo oo aad u gad-gaddoon badan, haddii aynu Somalilnad nahayna markii aynu danahaas is dhaaf-dhaafaya eegnay, inaga waxa inoo dan ah inaynu danteena, mustaqbalkeena iyo himiladeenu halka ay ku jirto aynu doonano, markaad doodo is garab socda iyo xulufooyin is garab socda mid raacdona, midna cadaawad iyo godob baad kala kulmaysaa, midna hiil iyo abaal baad kala kulmaysaa waad is-gaashaan buuraysanaysaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  waxa sidoo kale bulshada u sharraxay  meelaha ay ka eegeen  go’aanka ay xukuumad ahaan ku taageereen dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga oo khilaafka dalalka khaliijka isku aragti ka ah, waxaana uu dul is-taagay dheefta ay qaran ahaan ku qabaan labadan dal, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Markii uu soo baxay khilaafka carabta ee Khaliijku, markii aanu dhinac walba ka rognay ee talo badsannay, waxaanu door bidnay in aanu isu bar-barinno dhinaca Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta, fagaare iyo faqbana waa nalaga weydiiyey, sababtuna way caddahay, labada meelood ee Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga danta aanu ku qabno, kuma qabno qolooyinka ay iska soo hor jeedaan. Abu-dubai  ama Imaaraadka Carabta weynu ku dhaqannay, tujaarteenna iyo shirkadaha ugu waaweyn ee horumarka dalkeena gaadhsiiyey ee shaqo-abuurka inoo sameeyey ee inta badan dadkeenu ku tiirsan yihiin ee Hal-abuurka lihi halka ay ku koreen waa Imaaraadka Carabta ee meel kale ma aha, markaa intaanu Imaaraadka ka baydhno hantiile yaasheena cadaawad usoo jiidi mayno oo meel madhan u guuri mayno.”

 

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Hadii aynu Somaliland waxa aynu dhoofinaa hal shay oo xoolaha nool ah, xoolaha noolna waxa weligeenba saylad inoo ahaa Sucuudiga, inkasta oo uu muddo joojiyey, haddana wada-hadallada socda waxa aanu rajaynaynaa in dhawaan la furi karo oo xoolaheenu saylad helaan, taasina kuma iman colaad uu Sucuudigu u hayo Somaliland ee waxa ay ku timi arrin farsamo caafimaad oo dadka qaarkii leeyihiin dad Somaliland neceb ayaa xoolo xanuunsanaya ku daray xoolihii dhoofayey.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliand, Mudane Muuse Biixi  Cabdi waxa uu sheegay in dhinacyo badan laga eegay heshiiska ay xukuumaddu la gashay shirkadda DP World, isla markaana uu heshiiskaasi yahay mid mustaqbal ahaan aad ugu wanaagsan Somaliland, waxyaabo badanna uu qarankani ka faa’iidayo, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Haddii dantaa hore ee Taariikhiga aynu tix-gelinay, ta soo socota maxaynu kaga dooranay kuwaa kale ee aynu ugu gelaynaa inaynu kuwaasna collowno kuwanna is raacno, mar haddii rag is hayo, waa kowe, Imaaraadka Carabta shirkadda ugu weyn ee DPWorld waxa ay noqotay Afar shirkadood oo usoo tartamay inay Berbera  ka shaqeeyaan oo ay ugu tug-tug roonayd tii Faransiiska ee Bollore, waxa ay noqotay tii ugu wanaagsanayd heshiis la inoo soo bandhigo, dhinaca macaamilka dhinaca dhaqaale iyo dhinaca mustaqbalka fog waxa laga dhaxlayo heshiiskaas. Heshiiska la gelayaayo ee Baayac-mushtar marka hore ee la gelaayo ee la gor-gortamaayo sida loo kala lacag badan yahay ee loo kala itaal roon yahay ayaa la isu gacan maroojiyaa, ma waxa aad eegtaa maanta maxaad qaadanaysaa, mise waxa aad eegtaa maxaa Raandhiis helaya ee laga helayaa heshiiska.”

 

Waxyaabaha dhaxal-galka ah ee ay shirkadda DP World Somaliland uga tegayso, ayuu madaxweynuhu mid mid u sharraxay, waxaana uu sheegay in dhismaha deked casri ah oo iyo dariiq isku xidha dekedda iyo Dalka Ethiopia ugu muhiimsan yihiin, “DP World waxa ay noqotay shirkadda qudha ee badka soo dhigtay marka aynu muddadaa aynu ku heshiinay dhammaato waxa aanu ka tegaynaa dekeddaa Berbera inta ay le’eg tahay in le’eg annagoo dhisnay oo noqonaysa 400(afar boqol) oo Mitir oo deked ah iyo waddadii isku xidhi lahayd dekeddaas iyo dalalka Jaarka ah, markaa ninka heshiiska Berbera aad Carrabka ugu dhuftow ma waxa aynu eegnaa maanta dekeddaas oo aanad adigu dhisi karaynin ama waddada, ma waxa aynu eegnaa waxayga aniga ii horumari oo isii aniga kaash aan raamsado oo berri aan raandhiis lahayn, mise wax badan oo dheef ahi yaanu ina soo geline waxa aynu dhisnaa wax dalka mustaqbal u noqda oo dhisma oo laga tago,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hadlay waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada-hadleen madaxda dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana uu kala garnaqsaday horumarka ay Somaliland samaysay iyo sida uu caalamku ugaga eexday maamulka Muqdisho ee ajaanibku waardiyeeyo, waxaana uu yidhi,  “Waxaanu ka wada-hadalnay oo aan ku idhi Somaliland muddo 28-sano ah ayey dawlad ahayd, shan madaxweyne oo saddex kamid ahi doorasho isku beddeshay oo aan ka dhicin geeska Afrika iyo Bariga dhexe midna, iyada oo aan la ictiraafsanayn ayey dalkeena xuduudiisa oo dhan doorasho ka gashay oo ay khilaafkeeda xallisatay, laakiin adduunku taas ma tixgeline waxa la ictiraafay oo nalooga eexday nin aqal lagu xareeyey oo ciidan ajaanib ahi waardinayaan oo aan kalsooni dad wadin oo aan dalkiisa xukumin oo waliba la leeyahay isagaa kuu taliyee dhegaysta.”

 

Waxa kale oo uu madaxweynuhu tilmaamay inuu madaxda dalka Imaaraadka Carabta ee uu la kulmay ka codsaday inuu aqbalo Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, taasna lagaga fal-celiyey ballanqaad yididiilo wacan leh, “Waxa kale oo aanu hor dhignay Somaliland heshiisyo ganacsi iyo mid saldhig militeri baad la gashay, laakiin dadka reer Somaliland ee aad la gashay meel ay joogaanba waa maxaabiis, hadduu Abu-dubai joogo waa maxbuus oo waxa ka dhacaysa ciqaamaddii oo meel uu u dhaqaaqo ma leh oo dalkanna ma socon karo kiisiina ma iman karo, haddii uu Soomaaliya joogona Baasaboorkii naga dhexeeyey waanu collownay oo waxba kuma falno, markaa dadka dhibaatadaas qaba haddaad gacan ka doonayso adigu bilow oo Baasaboorkooda aqoonso. Taas wuu la maqan yahay, waxaana uu ula tegayaa madaxdiisa, rajo weynna waanu ka qabnaa inay suurto gasho, dareenka aanu ka qabnana insha Allaah dhawaan Jawaab aynu ku faraxno ayeynu ka heli” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in wiilka maanta maamulka Muqdisho Ra’isal wasaaraha ka ahi uu waqti dhaweyd qaxootinimo ku joogay caasimadda Hargeysa, balse uu maanta abaal-gud uga dhigay shacabka reer Somaliland inuu ku tilmaamo qaar maamulkiisa hoos yimaadda, taasina ay marag ka tahay abaal ka dhaciisa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Inamada jooga ee haatan xamar ka taliyaa ama dhallinyaronimo ha qaado, ama is yeel-yeel ha ka ahaatee  waxa ay illowsan yihiin wiilka Ra’isal wasaaraha ahi shalay isaga oo qaxooti Hargeysa ku jooga ayuu hay’ad yar oo NGO ah ka shaqaynayey, Abaal laawe, isaga oo Hargeysa qaxootinimo ku jooga, ayuu maalintii rimay-gacmeed ku doorteen qolo ciidamo ajaanib ahi ilaalinayaan yidhi Berbera ayaan xukumaa, Anigu caqliga caynkaas ah u jawaabi maayo, idinkuna waqti ha iskaga luminina, wixii uu yidhi iyo wixii Baarlamaankiisu meel mariyey waxa laga rabaa  meeshii uu la tegi lahaa ee uu ka hirgelin lahaa, qolada gabaydaa naftii hafar bay yidhaahdaan.”

 

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Imaaraadka Carabta iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay isku duubnaadaan, gacmaha is wada-qabsadaan, kana dheeraadaan dhaqannada liita ee qabyaaladdu ugu horrayso, isla markaana ka fikiraan sidii qaranka Jamhuuriyadda Somaliland loo horumarin lahaa, looguna hilaadin lahaa hiigsi iyo horumar cilmi ku dhisan.

Halkan Ka Daawo.

 

Dhammaad