Berberamadaxweynesilanyo1
Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filaya inuu safar deg deg ah ugu baxo dalka Boqortooyada Sucuudiga ee la daalaadhacay dagaalka ay xulufada wadamada Khaliijka hormoodka ee ay hormoodka u tahay ku jiraan ee dalka Yemen.

Boqorka cusub ee dalka Boqortooyada Sucuudiga Amiir Salaam Binu Cabdicasiis Al-sucuud, ayaa casuumad rasmi ah usoo diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayaa saacadaha fooda inagu soo haya ugu baxaan dalka Sucuudiga.
Ma jiro war ilaa hadda kasoo baxay Xukuumadda Somaliland oo lagu shaaciyay safarka Madaxweynaha Somaliland ee Sucuudiga iyo ujeedadiisa, balse warar shebekada wararka Araweelo News Network ka heshay ila wareedyo ku dhow qasriga Madaxtooyada, ayaa sheegaya in wefdi ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo saacadaha soo socda, ama maalmaha fooda inagu soo haya ugu anba baxayaan dalka Sucuudiga. Kaddib markii sida ila wareedyadu sheegeen uu Amiirka cusub ee Sucuudiga Amiir Salmaan usoo diray Madaxweynaha Somaliland casuumad rasmi ah.

Wararka la xidhiidha safarka Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegaya in Boqortooyada Sucuudigu doonayso inay Somaliland oo ahmiyad weyn u leh istiraatiiji ahaan mandaqada kala hadasho sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahayd dagaalka Sucuudiga iyo xulufadiisu kula jiraan Xuutiyiinta dalka Yemen iyo ciidamada Madaxweynihii hore Cali Cabdala Saalax oo duulaan dalalka khaliijku dhinaca cirka kaga wadeen Afartii bilood ee u danbeeyay wax guul ah laga gaadhi waayay, taas oo jaah wareer ku riday dalalka Khaliijka iyo xulufada Sucuudiga ee qaybta ka ah dagaalka Yemen, iyadoo dhinaca Isbahaysiga Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax iyo Malayshiyada Xuutiyiinta ee u baddan shiicada oo taageero ka helaya Iran ay wadamada khaliijku awoodi waayeen inay hakiyaan, ama ay naafeeyaan kaddib duqaymo dhinaca cirka ah oo lagu waday tan iyo March 2015. Markii Madaxweynihii hore Abdirabbo Mansour u cararay dhinaca dalka Sucuudiga.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa hore safar lala xidhiidhiyay arrinta dagaalka Yemen iyo is kaashi Somaliland la yeelato dalalka Khaliijka ku tegey dalka Imaaraadka Carabta oo qayb ka ah dagaalka Yemen eek a dhanka ah Xuutiyiinta u baddan Shiicada iyo Xulufada Madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, balse natiijada kulankaa hore ee Madaxweynaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Imaraadka Carabta ayaan si dhab ah loo ogayn waxyaabaha laga wada hadlay.

Waxayna Xukuumadda Somaliland meesha ka saartay warar kusoo beegmay kulamadaa iyo safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Imaraadka oo sheegayay in Ciidamo ay ka dalbadeen Somaliland wadamada Khaliijku, isla markaana Somaliland ku xidhay shuruud la xidhiidha qadiyadeeda dalabka wadamada Khaliijka, taas oo sababtay in mar kale loo balamo kulan, waxayna xoggaha la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan in kulanka loo balamay ahaa safarka xiligan ee Madaxweyne Siilaanyo ku tegeyo Boqortooyada Sucuudiga, kaas oo la filayo inuu noqdo mid wax ka bedela xidhiidhkii hore ee Somaliland iyo Sucuudiga oo ahaa mid aanay marnaba Sucuudigu ku qanacsanayn inay Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale, balse xaalada siyaasadeed iyo khatarta dagaalka Yemen ayaa la filayaa inuu wax baddan ka bedelo mawqifkii hore ee dalka Sucuudiga ee ku waajahnaa qadiyada Somaliland.

Dawlada Sucuudiga oo la daalaadhacay dagaalka ay hormoodka u tahay ee dalka Yemen, ayaa hore casuumad ugu fidisay Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki, kaas oo booqasho ku tegey dalka Sucuudiga, isla markaana ay Boqotooyada ka wada hadleen arrimaha dagaalka Yemen iyo inay Eritrea qayb ka noqoto dalal Sucuudigu doonayo inay ka qortaan Ciidamo ilaalaya Xeebaha dalka Yemen, isla markaana iskaashi dhinaca Biyaha Badda Cas iyo Gacanka Baabal-mandab ay wada yeeshaan.
Eritrea iyo Senegal ayaa noqday labadii dawladood ee u horeeyay oo aan ahayn Carabee aqbala dalbaka Sucuudiga, iyadoo Senegal noqotay ta hogaaminay 2, 100 askari oo ay dalalka galbeedka Afrika ugu yabooheen arrinta dalabka Sucuudiga.

Dawlada Eritrea ayaa xidhiidh dhow la leh dalalka Iran iyo Israeil oo labaduba ku leh saldhigyo dhinaca Badda ah, waxaana Eritrea lagu xidhiidhiyaa inay qayb ka tahay dagaalka collaadaha Somalia ee dami waayay, iyadoo Maraykanku ku eedeeyo inay taageerto kooxaha argagixisada, waxayna taasi sababtay inay Maraykanku ka cadhoodaan xidhiidhka ay dawlada Sucuudigu la samaysay hogaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki oo ah hogaamiye ay Washington si weyn u kala siyaasad fog yihiin, isla maraakana cunaqabatayn la saaray dalkiisa. sidaa awgeed lama ogga in is xulufaysiga uu abuuray dagaalka Yemen wax ka bedelayo xidhidhkii hore ee Maraykanka iyo Boqortooyada Sucuudiga oo Amiirka cusub la kowsaday markii uu xukunka dhaxlay dagaalka ka qarxay dalka Yemen, kaas oo dawlda Sucuudigu si fudud u gashay, balse wax weyn ka bedelay Mandaqada guud ahaanba.

Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.