Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika, ayaa maanta dalka kusoo laabtay, waxana si xamaasadaysan iyo qiiro waddaniyadi ka muuqato loogu soo dhoweeyay Caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland oo kasoo laabtay safarka Guinea oo bqolaal shacbiga Hargeysa kusoo dhoweeyeen Caasimada  July 7 2019. Araweelo News Network

Weftiga uu hoggaaminayey Madaxweyne Muuse Biixi, waxay boqolaal dadweynaah ku dhaqan caasimada Hargeysa oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana caleemo qoyan lulaya kusoo dhaweeyeen wadadada madaarka ilaa Madaxtooyadda.

Madaxweynaha Somaliland oo kasoo laabtay safarka Guinea oo bqolaal shacbiga Hargeysa kusoo dhoweeyeen Caasimada  July 7 2019. Araweelo News Network
Madaxweynaha Somaliland oo kasoo laabtay safarka Guinea oo bqolaal shacbiga Hargeysa kusoo dhoweeyeen Caasimada July 7 2019. Araweelo News Network

Sidoo kale jidadka waaweyn ee caasimadda Hargeysa, ayaa bqolaal dadweyne ah sitay calanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin, una taageersan yihiin safarka Madaxweynaha iyo guusha uu kala soo gura noqday safarkii uu ku tegay dalka Jamhuuriyadda Guinea iyo dalal kale oo qaaradda Afrika ah.

Madaxweynaha Somaliland oo kasoo laabtay safarka Guinea oo bqolaal shacbiga Hargeysa kusoo dhoweeyeen Caasimada  July 7 2019. Araweelo News Network
Madaxweynaha Somaliland oo kasoo laabtay safarka Guinea oo bqolaal shacbiga Hargeysa kusoo dhoweeyeen Caasimada July 7 2019. Araweelo News Network

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo axsaabta qaranka oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa iyaguna soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa si ballaadhan uga qaybgalay, waxana uu madaxweynuhu shacabka kala hadlay goob fagaare ah oo ka ag dhaw madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

Madaxweynaha Somaliland oo kasoo laabtay safarka Guinea oo bqolaal shacbiga Hargeysa kusoo dhoweeyeen Caasimada July 7 2019. Araweelo News Network
Madaxweynaha Somaliland oo kasoo laabtay safarka Guinea oo bqolaal shacbiga Hargeysa kusoo dhoweeyeen Caasimada July 7 2019. Araweelo News Network

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaah Ismaaciil (Saylici) iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe oo ugu horrayn shacabka la hadlay, ayaa sheegay inuu safarka madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa guud ahaanba Somaliland usoo hooyeen guul dhinacyo badan leh, islamarkaana quluubta shacabka reer Somaliland midaysay oo isu soo dhaweysay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Hargeysa uga mahadnaqay sida waddaniyadda leh ee ay usoo dhaweeyeen midhaha iyo guusha uu safarkaasi keenay, waxana uu ugu baaqay inay mar walba u midoobaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen gardarrada iyo qedafyada kaga imanaya maamulka Muqdisho.