Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Janaasadda marxuum General Cismaan Cawad Xaashi (Cismaan Dacas) oo ka tirsanaa saraakiishii salka u dhigay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, xilal kala duwanna kasoo qabtay ciidanka oo maanta lagu aasay xabaalaha Baqiic ee duleedka Waqooyi ee caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadallo kooban oo ka jeediyey goobta aaska, waxa uu kaga sheekeeyey doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu marxuumku ku lahaa aas-aaska ciidamada qaranka iyo sidii uu naftiisa ugu huray inay Somaliland yeelato ciidan taabbo-gal ah oo difaaca, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Marxuumku ilaa maalintii uu ciidanka galay ilaa maanta oo uu geeriyooday nin ciidanka u shaqeeya ayuu ahaa, halgankii SNM-na ciidamada Bariga ayuu haysan jirey, markii dalka lasoo galayna ciidanka qaranka raggii aas-aasay ee ciidanka qaranka Somaliland salka u dhigay buu ahaa, taliyihii labaad ayuuna ahaa, in muddo ah wuu xanuunsanayey, intii uu noolaana dadkii qarankan noloshooda u huray, ayuu ahaa.”

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku macsuumo, ehellada, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland-na samir iyo Iimaan degdeg ah ka siiyo.