Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  ka qaybgalay munaasibad Buuggaagta manhajka waxbarashada Somaliland ee dugsiyada Hoose dhexe oo lacag la’aan ah loogu qaybiyay Ardayda, kuwaas oo uu maanta si rasmi ah ugu qaybiyey Ardayda wax ka barata dugsiga Qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, ayaa  saaka qaybinta Buuggaagta daabacan ee Manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose  dhexe ee dalka oo tiradoodu dhan tahay   1,000,200 (Hal Milyan iyo Laba boqol), isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaa Arday tiradoodu dhan tahay  153,077 (Boqol iyo Saddex iyo konton kun iyo Toddoba iyo Toddobaatan) Arday,  waxa uu ka bilaabay dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer ee Degmada Maxamuud Haybe.

Madaxda wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska oo dhammaantood ku sugnaa gudaha dugsiga Qudhac-dheer, ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay buugaagtan lacag la’aanta ahi usoo kordhin doonto dhammaanba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose dhexe ee dalka, waxana ay madaxweynaha uga mahadnaqeen go’aanka geesinimada leh ee uu ugu dhiirraday in ay ardaydu hesho buugaag daabacan oo lacag la’aan ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal u jeediyey ardayda wax ka barata dugsiga Hoose dhexe ee Qudhac-dheer iyo macallimiintooda, ayaa ardayda ku bogaadiyey inay ku dedaalaan waxbarashadooda, isla markaana ay dhexda u xidhaan sidii ugu diyaar garoobi lahaayeen hoggaaminta dalkooda.

Madaxweynuhu waxa uu  hoosta ka xarriiqay sida ay xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay uga go’an tahay inay daryeesho da’yarta wax baranaysa ee mustaqbalkooda la dhisayo, maadaama ay aayihii dambe uu dalka yihiin,  “Mar haddii aad mustaqbalka leedihiin xaq waxad u leedihiin in la idin siiyo tacliin wanaagsan iyo nolol wanaagsan, waajib bayna ku tahay waalidka, dawladda iyo tujaartaba inay idinka idin daryeelaan, waayo mustaqbalka dalku waa dadka. Daar la dhiso iyo laamiyada iyo qurux la beero waxa ugu weyn ee la maalgelinayaa waa mustaqbalka iyo da’yarta iyo dadka, waxana aannu doonaynaa in da’diinani aad ka duwanaataan da’da maanta nool dhinac walba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 Buugaagta daabacan ee maanta qaybintooda la ibo-furay, ayaa si lacag la’aan ah loogu qaybin doonaa dhammaanba ardayda wax ka barata dugsiyada Hoose Dhexe ee dalka, kuwaas oo uga faa’iidaysan doona  waxbarashadooda, waxaanay ka mid tahay balan qaadyadii madaxweynaha ee wakhtigii ololaha.

Wa-bilaahi Tawfiiq