Araweelo News Network

Laascaanood(ANN)-Madaxweynuhu Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ee ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa kulan ballaadhan waxa uu madaxweynuhu xalay la qaatay cuqaasha, garaadada, haweenka, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulsho weynta ku dhaqan gobolka Sool.

Qasriga madaxtooyadda Laascaanood oo uu kulankaasi ka dhacay ayaa lagu gorfeeyay qaabkii dawlad iyo shiciba looga wada qayb qaadan lahaa iskaashiga amniga gobolka iyo sidii loosii dar-dar gelin lahaa mashaariicda horumarineed ee xukuumada somaliland ka waddo guud ahaan gobolka sool.

 

Cuqaasha iyo garaadadda guud ee gobolka sool oo madashaasi khudbado kasoo jeediyay ayaa ku bogaadiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Silaanyo sida uu ugu hagar baxay horumarinta guud ahaan gobolka iyo sida uu madaxweynuhu u xaliyay tabashadii ay qabeen dadka ku dhaqan gobolada bariga ee Somaliland.

 

Garaadka guud ee gobolka sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo hadalka qaatay ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay booqashooyinka soo boqnoqday ee uu ku yimaado gobolka sool, isagoo garaadku isbar-bar dhig ku sameeyay madaxweynaha haatan ee JSL iyo madaxweynayaashii ka horeeyey sida ay ugu kala dhaw yihiin la socoshada baahiyaha gobolka.

 

Wasiirka Madaxtooyada mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinay madashaasi ayaa si weyn u faah-faahiyay waxqabadka ballaadhan ee xukuumada Somaliland ka fulisay gobolka sool, waxa uu wasiir xaashi sheegay in madaxweyne Silaanyo uu baray magaalada Laascaanood dawladnimada iyo kala danbaynta tusayna in Somaliland tahay dawlad lawada leeyahay oo cadaalad ku dhisan, wasiirku waxa uu intaasi ku daray in Somaliland aanu qabiil kali ah masiirkeeda goyn karin.

 

Madaxweynaha oo khudbad dheer u jeediyay shacbiga ku dhaqan laascaanood ayaa yidhi ” Marti sharafta badan, ee caawa munaasibadan isugu timid, ee ka kooban Madax-dhaqameed, Wax-garad, Dhallinyaro, dhammaan Mudanayaal iyo Marwooyin “Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu”

Muddadii, toddobada sanno ahayd, ee aan dalka Madaxweynaha ka ahaa, marar badan ayaan socdaallo kala duwan ku imi, ama aan u hoyday, deegaanada Gobolka Sool, gaar ahaan, Magaalada Laascaanood. Socdaalka maanta aan ku imi Magaalada Laascaanood, wuxuu ii leeyahay muhiimad gaar ah, maadaama uu dhammaanayo dhawaan muddo xileedkii, aan qarankan Odayga u ahaa.

Mudanayaal iyo Marwooyin, ujeedada socdaalkaygu, wuxuu salka ku hayaa:

1. In aan furo Mashaariic horumarineed oo waa-weyn, oo aan maanta nasiib u yeeshay, in aan xadhiga ka jaro, kuwaas oo ay ka mid-yihiin dhismaha cusub ee Cusbitaalka Guud iyo Dugsiga Hoyga (Bording School),

ee Magaalad Laascaanood, mashaariicdaas oo saamayn weyn ku leh nolasha Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool.

2. In aan gunaanado, isla markaana meel ku tiiriyo, wada-hadalladii nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee socday, mudadii labada sanno ahayd ee u dambaysay, gaar ahaan shirarkii Awr-boogays ee Beelaha Maxamuud bari, Hijiinle, iyo kuwii khaatumo.

3. In aan ku dhiiri-geliyo dadweynaha, in ay si nabad ah, uga qayb-qaataan Doorashada Madaxtooyada, ee dhici doonta 13-ka Bisha November, 2017-ka.

4. In aan u-kuurgalo, hab-sami u socodka hawlaha Qaranka ee Gobolka.

5. In aynu is-macasalaamayno, maadaama aan filayo in ay noqon karto booqashadii iigu dambaysay, isla markaana wixii duco iyo dardaaran ah, aynu is-nidhaahno.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sharaf weyn bay ii tahay, hoggaamiye ahaan, in isbeddel laxaad leh iyo horumar balaadhani ku yimi Gobolka Sool, mudadii Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, ee aan gadh-wadeenka ka ahay, ay qarankan ka talinaysay. Waxa hubaal ah, in guud ahaan Gobolka Sool, faraq weyni u dhexeeyo maanta iyo shalay, oo aan uga jeedo ( 2010-kii ka hor ). Si gaar ah, waxa mudan in aan farta ku fiiqo, isbedelka ku yimi dhinaca; Kaabayaasha Dhaqaale, oo ay ugu waaweyn yihiin, waddooyinka Magaaladda Laascaanood laga sameeyey. Dhinaca Adeegyada Bulshada, oo ay ka mid yihiin:

ü Biyaha

ü Caafimaadka iyo

ü Waxbarashada.

Dhinaca, deganaanshaha iyo nabadgelyada, waxaynu iska saarnay xil weyn, iyada oo aynu soo af-jarnay xurgufihii iyo xiisadihii colaadeed ee gobolka hadheeyey. Guulahaasi, maaha kuwo ku yimid, sahal iyo si fudud, balse waxay ku kaceen qiimo badan, iyo qorshe mug leh, oo qoor weyn iyo qamaamuuri ka talisay.

Waxaan leeyahay (Wixii Rag U Kaco, Rabina Aqbalo, Wey Rumoobaan).

Ugu horreyn, waxa mudan in aynu u mahad-naqno Allaheena weyn, ee inagu galladay garashada iyo guddoonka talada toosan. Soomaalidu, waxay ku maahmaahdaa “Far Keliyi Fool, Ma Dhaqdo”. Sidaa darteed, waxa dedaalkaa udub-dhexaad u ahaa; iskaashiga dawladda iyo dadweynaha Gobolka Sool, oo la’aantood aanay waxba suurtagal noqdeen.

Isku-duubnida, is-fahamka iyo wada-shaqaynta dhex-martay, Bulshada iyo Xukuumadaydu, waxay dhabaha u xaadhay, isla markaana suurta-gelisay, muuqaalka iyo xaqiiqada maanta ka jirta Gobolka Sool. Waxaynu ku talaabsanay nabadayn iyo dib-u-heshiisiin, aynu u marnay dariiqyo badan, iyo shir doceedyo, la mahadiyey.

Waxaynu si wada jir ah, uga hor-tagnay la-dagaalanka cudurkii shuban biyoodka ee shacabka gobollada bari cabsi geliyey. Waxaynu si midaysan ugu gurmannay ama u taakulaynay dadkeenii abaaruhu tabaaleeyeen. Waxaynu ku guulaysannay, joojinta colaadihii iyo dagaalladii, u dhexeeyey beelaha walaalaha ah, ee wada dega Gobolka Sool.

Dhinaca kale, waxaynu taaba-gelinay maamul-fidin iyo dhisme nidaam dawladeed, oo leh kala dembayn, kaas oo ka tis-qaaday degmooyinka gobolku ka kooban yahay. Waxaynu dib u soo celinay, niyad samidii ama kalsoonidii iyo is-aaminkii u dhexeeyey dawladda iyo dadka, taas oo sabab u noqotay, dib u dhiska, balaadhinta iyo camir-naanta, xilligan ka muuqata Magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.

Tilmaamahaa, iyo tiirarkaa wax-qabad ee taariikhda galay, waxay run ka dhigeen arrimo dad badani, u arkayeen riyo, iyo raad been ah. Waxaan jecelahay, in aan madashan uga mahad-celiyo Garaadada, Cuqaasha, Waayeelka, Wax-garadka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Hal-doorka Dhallinyarada iyo Hawl-wadeenada Dawladda, ee doorka weyn ka qaatay dedaalladii nabada iyo dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, waxaan hambalyo weyn u dirayaa Ciidamada kala duwan ee Qaranka, ee u dhididay, una dhabar aday-gay ilaalinta, adkaynta amniga iyo nabadgelyada Gobolka. Taasoo ay markhaati ka tahay, nimcada nabadgelyada aynu caawa cidlada ku cawaynayno.

Ugu dambeyn, waxaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool ugu baaqayaa, in ay gacmaha is-qabsadaan, isla markaana gees uga soo wada jeestaan, cid kasta oo duulaan ku ah, deganaanshahooda iyo danahooda guud.

Mar kale, waxaan ugu baaqayaa, in ay si buuxda uga qayb-qaataan, Doorashada Madaxtooyada oo dalka ka dhici doonta dhawaan, haddii Eebe idmo. Doorashadaa waxa ka soo bixi doona Madaxweynaha mustaqbalka, ee aan ku wareejin doono hogaanka dalka.

Codkiina, idinkaa xaq u leh cidda aad siinaysaan. Maanta doorashada waxa ku tartamaya saddex Xisbi Qaran, oo ay musharixiin ka yihiin lix hal door, oo munaasib ku ah damacooda. Hase-yeeshee, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda aan Odayga u ahay, waxay si gaar ah, idiinka filayaan ciwad-celin iyo abaal gud.

Anigu, waxaan ummadda u dooray, in hogaamiyihii i bedeli lahaa uu noqdo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah siyaasi waayo-arag ah, oo ay ku duugan tahay karti iyo aqoon badani. Waxaan aamin-sanahay, in Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu yahay, hoggaamiyaha ugu habboon, ee halkaa ka sii wadi kara hiigsigii aan lahaa, iyo horumarka uu dalku u baahan-yahay mustaqbalka dhaw iyo ka dheer”.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu dhammaanteen inoo dembi dhaafo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu tacabka, talada iyo tawfiiqda inoo Hagaajiyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa, inuu Boggeena iyo Beerkeena, Burcad isu-mariyo,
Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu tubta toosan, inagu hanuuniyo,

ALLAHAYOW, Aamiin, Aamiin, Aamiin