Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo wefdi uu hoggaaminayaa kaga qaybgaleen shirka Caaamiga ah ee dhaqaalaha aduunka oo lagu soo gebagebeeyay dalka Switzerland Davos .
Madaxweyne Cirro iyo wefdigiisa oo kasoo degey Madaarka Hargeysa saka barqadii, ayaa durbadiiba shir aan caadi ahayn isugu yeedhay Xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkan ujeeddadiisu waxa ay ahayd in Madaxweynuhu uu si faahfaahsan uga warbixiyo Shirka Sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum – WEF) ee uu kaga qayb galay magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Madaxweynuhu oo uu ku wehelinayay shirka aan caadiga ahayn Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Shirka au ka qaybgaleen ee dhaqaalaha aduunka uu ahaa kii ugu horreeyey ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka qayb gasho, iyada oo ay madasha joogeen Madaxweyneyaal, hoggaamiyeyaal iyo maal-qabeenno heer Caalami ah, taasi oo Somaliland siisay muuqaal iyo meeqaam Caalami ah heerkii ugu sarreeyey muddo 34 sano ah.
Afhayeenka Madaxweynaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa kulanka kaddib war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Madaxweynuhu Golaha Wasiirrada JSL u sheegay in Shirka Davos uu ahaa mid Somaliland ku suntay ka muuqashada fagaaraha Siyaasadda iyo Maalgashiga Caalamiga ah, taasoo Madaxweynaha JSL fursad u siisay in uu madasha ka diro farriimo si dhab ah uga tarjumaya sumcadda, sharafta iyo muuqaalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan:
1. In Somaliland ay tahay dal u diyaarsan Aqoonsiga bulshada Caalamka,
2. In Somaliland ay tahay dal u furan, diyaarna u ah fursadaha maalgashiga Caalamka,
3. In Somaliland ay tahay dal nabad ah, xasilloon, dimuqraadi ah una qalma in Beesha Caalamku ay si buuxda u ictiraafto.
” Somaliland ay Shirkii Davos ka faa’iiday Xidhiidho muhiim ah oo heer Caalami ah, isaga oo Madaxweynaha iyo wefgigiisu ay si toos ah ula kulmeen siyaasiyiin, maalqabeenno iyo warbaahin saameyn leh oo heer Caalami ah.” ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeedka oo soo xiganaya Madaxweynaha.
Sidoo kale, waxa lagu xusay qoralka in Madaxweynuhu Golaha u sheegay in muddadii uu ku sugnaa Davos uu Beesha Caalamka si cad ugu iftiimiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay Qaran bisil oo leh aragti fog, diblomaasiyad miisaan leh, iyo kalsooni buuxda oo ay Beesha Caalamku ku qabi karto xasilloonideeda iyo waxtarka ay u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo Marrin biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Gunaanadkii Shirka aan caadiga ahayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa,uu Golaha Wasiirrada u sheegay innguul Qaran oo istiraatiiji ah ay ka soo hoyatay ka-qaybgalkii Shirka Davos, sidaa awgeed wuxuu Golaha ku adkeeyay in guulahaas diblomaasiyadeed loo beddelo ficil iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo xoojinaya Amniga iyo Difaaca Qaranka, ilaalinta midnimada bulshada, korna u qaadaya geeddi-socodka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. sida uu xusay Afhayeenka Madaxweynuhu.
Dhnaca kale, qoraal saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu Golaha faray in shacabka Somaliland lagu wacyigeliyo xaaladda cusub ee uu dalku galay, loona fasiro guulaha taariikhiga ah ee ay Somaliland gaadhay iyo arrimaha waaweyn ee soo socda, xag dhaqaale iyo xag horumarba.
War-qoraalka ayaa lagu muujiyay sida ay Xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ugu bogaadiyeen Madaxweynaha JSL, guusha, iyaga oo tilmaamay in guulaha Qaran ee taariikhiga ah ee uu ka soo hooyay madasha Davos ay si weyn u xoojinayaan sumcadda, danaha siyaasadeed iyo fursadaha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland ee caalamka.
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv


