Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo dalka Jabuuti loogu sameeyey maariyihii dekeddaha Djibouti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo toddobaadkan ku geeriyooday Cusbitaal ku yaal dalka Faransiiska.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno uu hormood u yahay guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirro iyo ganacsato, ayaa subaxii hore ee saaka ka ambo baxay gegida caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana gegida diyaaraha ee Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo uu marxuumku walaalkii ahaa, iyaga oo ugu tacsiyadeeyey geerida ku timi.

Madaxda ka qaybgashay aaska qaran ee Maareeyihii Dekeddaha Djibouti Marxuum Sacad Cumar Geelle 10 Oct 2019.
Madaxda ka qaybgashay aaska qaran ee Maareeyihii Dekeddaha Djibouti Marxuum Sacad Cumar Geelle 10 Oct 2019.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga, ayaa sidoo kale ka qayb-galay Salaad Jinaaso ah oo marxuumka lagaga tukaday mid kamid ah masaajiddada magaalada Jabuuti, ka hor intii aanay madaxweynaha Jabuuti kala qayb-gelin Aas ballaadhan oo marxuum Sacad Cumar Geelle isla magaaladaas loogu sameeyey Xabaalaha Xaafada 12aad.

Weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qayb-galay Aaska loo saameeyey maariyihii hore ee dekedda Jabuuti, Marxuum Sacad Cumar Geelle, ayaa qayb ka ahaa wufuud caalami ah oo ka kala socotay dalalka dunida oo jinaasada kala soo qayb-galay madaxweynaha dalka Jabuuti.

Akhri: Maareeyihii Dekeddaha Djibouti Oo Geeriyooday iyo Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa isla galabta kusoo guryo noqday caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, kaddib markii ay soo dhammaysteen socdaalkooda ay kaga qayb-galeen Aaskaasi.

WA-BILAAHI TAWFIIq

Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland