Madaxweynaha Somaliland Oo Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Ku Amray In Lasoo Afjaro Khilaafkii Taagnaa Ee Weriyayaasha Iyo Wasiirka Wasaaradda Daawo

Ataweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Sawir la galay Masuuliyiinta Iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta 18 April 2018
Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Kormeer Kadis ah ku Tegay Xarunta Wasaarada Warfaafinta, ayaa Mas’uuliyiinta Sare ee Wasaaradaa ku amray dhamaystirka Khilaaf muddooyinkii u danbeeyay taagnaa oo u dhexeeyay Maamulka Wasaaradaa iyo koox ka mid ah hawlwadeenada wasaaradda oo ka mid ah Labeenta weriyayaasha ee Wasaaradaas, kuwaas oo ka cadhooday tallaabooyin Wasiirka Wasaaradda Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo wax ka bedel ku sameeyay markii uu xilka la wareegay dhawr bilood ka hor.
Halkan ka dhegeyso Madaxweynaha oo arrintaa ka hadlaya.