Araweelo News Network

Madaxweynaha Iyo xubno Masuuliyiin ah oo Salaada Kala qaybgelaya Bulshada Hargeysa

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo ayaa qaar ka mida dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa maanta salaadii roob-doonta kula tukaday Hargeysa Stadium.

Masuuliyiinta Iyo dadweynaha Ka Qaybgalay Salaada roobdoonta ah

Iyadoo maanta oo sabti ah guud ahaan dalka laga tukaday salaad roobdoon ah oo uu hore u iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, iyadoo madaxweynuhu uu subaxnimadii maanta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium kula tukaday kumanaan ka mida dadweynaha ku dhaqan degmada Axmed dhagax, halka degmooyinka kalena ay ku tukanayeen garoomada u dhaw, sidoo kale waxa gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka looga dareeray salaada roob-doonta ah.

Markii salaada la tukaday Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyey weedho duco ah waxaanu yidhi “Ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu roobdoontaa inoo aqbalo, ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu madar khayr qaba cirka inaga siiyo, ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta inaga jebiyo, ilaahay sidaasaynu ka baryeynaa, ilaahayna ha inoo aqbalo, ilaahaw noo aqbal, ilaahaw noo aqbal”