madaxweynahaiyo safirka talyanigaHargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley maanta o ay taariikhdu ahayd 01/02/2015, safiirka Talyaaniga u fadhiya Kenya una qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Fabrizzio Marzella oo booqashadiisii u horaysay ku yimi Somaliland tan iyo markii Dawlada Talyaanigu xilkaa u magcawday badhtamihii sanadkii 2014.

 

 

kulanka maxadweynhaiyo safirkaKulankan saacado qaatay oo albaabada loo xidhay, ayaa ahaa mid aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, balse kulankaa ka dib waxa warbaahinta loo qaybiyay qoraal kooban oo lagu sharaxayo ujeedada kulankaa iyo waxyaabaha lagaga hadlay, waxaana qoraalkaa lagu sheegay in Madaxweynuhu xogwaran ka siiyey Safiirka xaalada guud ee dalka iyo mandaqada geeska afrika, sidoo kalena Madaxweynaha Somaliland faah-faahin dheer ka bixiyey horumarka ay somaliland ku talaabsatay 23 kii sanno ee ka soo wareegay la soo noqoshada madaxbanaanideeda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa safiirka guudoonsiiyey khariirada Somaliland iyo buugaag ka waramaya xaaladihii kala duwanaa ee ay somaliland ka soo gudubtay.
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Somaliland Mawliid Maxamed Karaani iyo Safiirka Talyaaniga Ambassador. Fabrizzio Marzella, ayaa kulanka Madaxweynaha kadib wadajir ula hadlay Warbaahinta.

Halkan ka dhegeyso codadka Safiirka Talyaaniga iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Somaliland Riix.

 


Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com