Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimi maanta Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ambassador. Mehmet Yilmaz, waxa dhexmaray kulan albaabada loo xidhay, kaas oo aan si dhab ah loo ogayn waxyaabaha lagaga hadlay, balse markii kulankaasi dhammaaday, waxa qasriga Madaxtooyadda Somaliland kasoo baxay war-saxaafadeed kooban oo lagaga hadlay kulanka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ambassador. Mehmet Yilmaz.

Nuqul ka mid ah War-saxaafadeedka  kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Amb. Mehmet Yilmaz oo ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Safiirka Dalka Turkiga ee Arrimaha Soomaalida Ambassador Mehmet Yilmaz oo Hargeysa Yimi 7 January 2019.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Safiirka Dalka Turkiga ee Arrimaha Soomaalida Ambassador Mehmet Yilmaz oo Hargeysa Yimi 7 January 2019.

waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa. Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is fahan buuxa.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirradda arrimaha dibeda iyo  Horumarinta caafimaadka.”