Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay nidaamka casriyeyta Caasimada Hargeysa oo sahlaya hawlaha ay dawladda Hoose ee Hargeysi bulshada u qabato, isla-markaana lagu horumarinayo caasimadda Dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha maxkamadda Sare, Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, xildhibaannada golaha deegaanka Hargeysa oo uu hoggaaminayo maayarka Caasimadda, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxaana lagu faaqiday faa’iidooyinka uu leeyahay mashruucani oo ay hindistay dawladda Hoose ee Hargeysa, kaas oo wax weyn ka beddeli doono hannaanka ay maanta u shaqayso, dibna loogu qorshaynayo caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa.

Ugu horrayn maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu magaalada u leeyahay mashruuca casriyeynta caasimaddu iyo hiigsiga dhaw ee qorshahan ay caasimadda Hargeysa ka dheefi doonto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyey tallaabada ay dawladda Hoose ku tallaabsatay ee lagu hormarinayo caasimadda Hargeysa iyo gaar ahaanba adeegga ay dawladda Hoose bulshada u qabato, waxaana uu hoosta ka xarriiqay tiro ballan-qaadyo ah oo ay bulshadu weli dhawrayso hirgelintooda, kuwaas oo bilicda caasimadda daruuri u ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Marka koowaad aad baan idiinku hambalyeynayaa inaad daah-furaysaan casriyeynta hawlaha iyo xafiisyada dawladda Hoose ee Hargeysa, Barnaamij aad u qurux badanna waad keenteen, laakiin fulintooda waa inaynu u wada guntanaa, anna waan idinku garab taaganahay. Iyada oo hawlo badan aad qabateen anna aan idinku hambalyeynayo oo ay dhib badani idin haysato, haddana hawlo badan oo kale ayaa inoo yaalla, markaan soo koobana saddex wax oo markii aad doorashada gelayseen aad ballan qaadeen oo xisbiyaduna idinla ballan qaadeen, anna aan dhawr jeer meelo ka sheegay in magaalada loo samayn doono garoomo fiic-fiican oo dhallinyaradu ku ciyaarto. Garoomadaas waa la idinka rabaa, shan sanona way maraysaa, dadkuna wixii ay ku ballan qaadaan ee ay axdi ku galaan waa inay fuliyaan.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana xubnaha xildhibaannada Dalwadda Hoose xasuusinaya waxyaabaha ay bulshadu weli ka sugayso hirgelintooda, waxa uu yidhi, “Waxa kale oo aynu ballan qaadnay inaynu magaalada u samayno meelo dhir leh oo dadku ku nafisaan oo la lug-lugeeyo, imika shan sano ayeynu maraynaa, beertii xorriyadda ayuun bay sheekh Dirir iyo Odayaashii marayaan, meel kalena weli noomaydaan samayn, magaaladana taas weynu ballan qaadnay, doorashona mar ay timaaddaba way imanaysaa. Midda saddexaad magaalada gaadiidkii wuu ku batay, in baabuurta magaalada dhex maraya la kala habeeyaa waa muhiim, imikana waxad mooddaa suuqii dhexe inay qabsadeen intii Baabuurta wadatay, oo qof jilicsan iska daayoo xataa qofkii xoogga ahaa si uu u maraa ay adag tahay, waxaynu isku ogayn in baabuurta hab loo sameeyo oo Basku meel istaago, kuwa yar yari meel maraan, kuwa xamuulka ahina meel maraan, waxaas oo dhammina waa xil dawadda hoose saaran.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi xildhibaannada dawladda Hoose ka dalbaday inay yeeshaan wada-shaqayn dhexdooda ah, isaga oo dhinaciisa ballan qaaday inuu si dhaw ula shaqayn doono, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay hirgeliyaan mashruuca ay soo bandhigeen, “Waxanu idinka rajaynaynaa wada-shaqayn dhexdiin ah, adeeg aad u qabataan bulshadii idin soo dooratay illayn dadkii mar labada waa la hor tegayaaye, annagana waxad naga fishaan inaanu iskiin garab taagno oo aanu gacan wanaagsan idin kula shaqayno, ballanteenuna waa qorshahaas oo aynu fulinno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi Tawfiiq