Duruufaha ku geddaaman Safarka Madaxweynaha
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta safar ugu baxay dhinaca Magaalada xeebta ah ee Berbera.
Madaxweynaha iyo wefdiga ku weheliya safarka oo duhurkii la baxay Hasgeysa ayaa la filayaa inay uga sii gudbaan Berbera dhinaca dhinaca Magaalada Burco, taas oo noqonay safarki u horeeyay ee uu ku tago Magaalada Burco tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyadda ee Nov 13 2024, wallow aannay ahayn safarkiisii u horeeyay ee Magaalada Berbera oo tirada uu laba jeer booqday intii uu xilka hayay safaradiisa gudaha dalka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo ku saabsan ujeeddada safarka Madaxweynaha ee xilligan oo dalka laga qaylinayo abaaarro, iyadoo deegaamada qaar kasoo baxayaan qaylo dhaan.
Sidoo kale. Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmay iyadoo ay jiraan duruufo dhaqaale oo baahsan, kuwaas oo laga dareemayo magaalooyinka waaweyn oo nolosha dadku sii adkaanay malinba maalinta ka danbaysa iyadoo weliba Gobolada Bariga Somaliland si gaar ah u saamaysay colaadda muddada ka taagnayd in kasta oo Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku guulaystay inay qaramayso ciidan beeleedyadii deegaanka ka jiray ee ka dhashay colaadda gobolka Sool ee Laascaanood iyo Bariga Sanaag ee ay ka dhaxashay xukuumaddii ay xilka kala wareegtay.
Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network.


