Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka jeediyey hadal dhinacyo munaasibad caawa lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyay hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Gaas oo uu kaga hadlay dagaalkii duleedka Garoowe ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo ciidanka Puntland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxa kaloo uu fariin u diray dadka walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, wuxuuna ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda 27-aad ee kasoo wareegtay markii ay xorriyaddooda dib ula soo noqdeen,  isagoo  si gaar ah u bogaadiyey ciidamada qaranka ee ku hawllan difaaca qaranka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  uu yidhi, “Shacbiga Somaliland meel uu joogaba waxaan leeyahay, hambalyo sanad-guurada 27-aad ee kasoo wareegtay maalintii lala soo noqday xorriyaddii Somaliland. waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ee naftood hurayaasha ah ee dalka difaaca, cadow kasta oo kusoo hunguroodana cashar u dhiga ee maalintii ugu dambaysay dalka dhiiggooda u huray, umadda Somaliland way idiin ogtahay, taariikhdana baal dahab baad ugu qoran tihiin.”

 

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu ka hadlay xaaladda deegaanka Ceel-afweyn, waxaana uu shaaciyey inay xukuumad ahaan gacan bir ah u qaban doonaan cid kasta oo isku dayda fadqalalada nabadda iyo ammaanka, “Waxaan intaas raacinayaa in laga wada qaybqaato sidii loo joojin lahaa dagaalka Ceel-afweyn, dadka dagaallamaayaana wax Allah iyo wax ay ku dagaallamayaanna la garan waa, shaydaan baana ka dhex booday, xukuumad ahaanna waxaanu fulinaynaa wax kasta oo ay ku kacayso in nabadda lasoo celiyo, nin kasta oo nabadda ka hor yimaadda waanu la dagaallamaynaa, marka hore waanu u digaynaa, waanu qabanaynaa waanu xidhaynaa, hadduu dagaallomana waanu la dagaallamaynaa oo nabadda waanu ku dagaallamaynaa, ninowna qorigaaga ciidanka haku soo jeedin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu carrabka ku ballaadhiyey inay Jamhuuriyadda Somaliand nabad iyo deggenaansho taam ah kusoo caano maashay, isaga farriin garnaqsi ahna u diray maamulka Muqdisho, wuxuuna isagoo  arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku aasaasantay nabad iyo inay dalkeeda horumar, barwaaqo iyo nabad ka samayso oo jaarkeedana nabad kula noolaato, Somaliland ka ugu yar iyo ka ugu weyn caqligoodu waxa uu ku dhisan yahay nabad iyo wax qabsasho, xadka Somaliland annagu ma aanu samayne waa ka ay Afrika oo dhammi ku dhisan tahay ee ku kala socoto, annaguna waxa aanu rabnaa inaanu xadkayagii nabad ku tagno, dalkayagana nabad ku maamulno, dawladda Soomaaliya ee diiddan xadkii Afrika isticmaarku u qaybiyey waxa ay u baahan tahay inaanay annaga kolba nasoo weerarine inay Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo midowga Afrika u sheegto inay diideen xeerkii Afrika dhigatay 1963-kii ee ay imika ku shaqayso.”

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu sheegay in shacbiga Puntland yihiin shacbi xariir ah oo gob ah oo aanay  odhanayn waa wuxuush, sida uu lahaa Cabdiweli Gaas, sidaa awgeed Somaliland aanay doonayn in ay qixiso shacbiga Garoowe oo aanay Collaad Iyo cadaawad toona u hayn shacbiga Puntland, balse Somaliland ay doonayso inay ciidankeedu gaadhaan xadkooda oo ay si nabadgelyo ah ku gaadhaan, Isla markaana wuxuu xusay in ay Ciidanka Qaranka Somaliland diyaar u yihiin ciddii gardaro ula timaado.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sugayaan xuduudaha dalka, isla markaana ay dalka difaacayaan oo aanay cidnaba duullaan ku ahayn, “Ciidamadayadu halkooday joogayaan, difaaca qarankay ilaalinayaan, dandaansina samayn maayaan, wixii kusoo duulona way iska celinayaane taas halla ogaado,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.