DSC_0114(1)Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa xadhiga ka jaray Mashaariic lagu beegay xuska sanad Guurada 21aad ee Ciidanka Qaran Somaliland oo lagu qabtay Kuliyada tababarka saraakiisha ee Dardarweyne oo ku taal duleedka dhinaca Bari ee Hargeysa.

 

 

Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu gaadhay Dararweyne salaan ka qaatay ciidanka qaranka Somaliland, wuxuu markaa kadib uga gudbay dhinaca kuliyada, isaga oo xadhiga ka jaray mashaariic dhawra oo halkaasi uga hirgalay ciidanka qaranka sanadkii tegay ee 2014, kuwaas oo ay ugu waa weynaayeen, Furitaanka guri balaadhan oo loo dhisay Saraakiisha iyo Saraakiil ku xigeenka Kuliyada tababarka Dararweyne, gurigan oo qaadi doona 250 Sarkaal.

ciidanka1DSC_0156

sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray qolka shirarka kuliyadaha oo qaadi doona 250 Sarkaal, waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu talo galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nasan karaan, kuna qadayn karaan, isla markaana ay ku jiraan meelo ay wax ku daawan karaan, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay saraakiisha iyo taliyeyaasha Ciidamada, dedaalka iyo horumarka ay ka muujiyeen dugsiga tababarka saraakiisha iyo guud ahaanba ciidamada qaranka Somaliland.

DSC_0076 DSC_0110

Wuxuuna xadhiga ka jaray hoolka weyn oo loogu talo galay inay 200 oo sarkaal ku cuntayn karaan, kaas oo gebi ahaanba loo dhamaystiray qalabkii loogu talo galay. Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kormeeray Kuliyada, isaga oo dhegeystay faah-faahina uu dhismaha Kuliyada ka siiyey taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, Ismaaciil Shaqale.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa markaa kadib ku laabtay Hoolka loo qorsheeyay Xaflada sanad guurada ciidanka oo ahayd isla Dugsiga kuliyada gudihiisa, waxaana halkaa lagu soo bandhigay riwaayad loogu magacdaray Isma-qabanayaan laba oo uu sameeyey Abwaan gaashaanle sare Cali Barre Xuseen oo kaalin weyn kaga jira dhanka Curinta iyo hal abuurnimada Ciidanka Qaranka.

DSC_0110DSC_0042

Munaasibadaa waxa ka hadlay ka hor intii aanu Madaxweynuhu hadal ka jeedin gaashaanle sare Batuun Maxamuud Guuleed, kaas oo ku soo dhaweeyey hogaanka tababarka gaashaanle sare Axmed Tansaani, iyo taliyaha Ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale oo markaa kadib mikirifoonka u dhiibay Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji CalI Cadami.
Madaxweynaha Qaranka Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa khudbadii uu halkaa ka jeediyay ku bilaabay sidan:-

“Maanta oo ah maalintii aasaaska Ciidanka Qaranka, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidanka Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtooda meel kasta oo ay joogaan, anigoo guud-ahaanba Ciidamada kala duwan qalabka sida hambalyo u diraya. Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa dhamaan shacab-weynaha Somaliland gudo iyo debadba.

DSC_0114(1)DSC_0156

Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso.

Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dibjira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano.

Anagoo ka duulayna muhiimada ay cududa ciidamadu dalkan ugu fadhiyaan, isla markaana dareensan duruufahooda gaar ahaaneed waxaanu tacab iyo dedaal gelinay kor u qaadida tiradiina, tayadiina, saanadiina iyo mooraalkiina, waana ta keentay in sadex-jeer mushahar ama gunno laydiin kordhiyo intii Xukuumadaydu talada dalka haysay.

DSC_0110ciidanka1

Anigoo ogsoon in dedaalada la sameeyey weli aanay daboolin duruufihiinii gaar-ahaaneed, waxaan idin dareensiinayaa in aad u shaqaynaysaan dalkiinii, uguna dulqaadataan darayada iyo debadyaalka, maxaa yeelay waxaad u soo diyaar garawday in aad dhiigiina u daadisaan, dalkaaguna wuxuu u qalmaa in aad u dhimato.

Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida.

Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay in ay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada.

Waxaad ku calool samaataan in dadkiinu ogyihiin waxaad ugu maqantihiin dawlad-ahaan aanu ku hawlan-nahay daryeelkiina, waxaanan idin farayaa in aad mar walba illaalisaan dhisbiliinka ciidanka oo ah waxa aad kaga duwan-tihiin dadka shicibka ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Gunaanadkii xaflada munaasibadaa, wuxuu shahaadooyin la gudoonsiiyey saraakiil ka kala socday Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Badda, wuxuuna madaxweynuhu abaalmarino qaaliya gudoonsiiyey saraakiishii galay kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad.

Sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey 10 sarkaal oo ahaa kuwii ugu sareeyey saraakiishaasi tababarka kuliyadu u soo xidhmay, kadibna waxa halkaasi ku soo xidhan tahay xafladii loogu dabaaldegaayey Sanad guurada 21aad ee ciidanka qaranka iyo xafladii xidhitaanka tababarka layliska saraakiisha ciidamada oo ka koobnaa xidigle ilaa dhame ama kabtan.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com