Araweelo News Network

Agaasmaha Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Geydh

Agaasmaha Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Geydh

Hargeysa (ANN)Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland marwo Khadra Xaaji Gaydh, ayaa shahaado-sharaf guddoonsiisay hay’adda caalamiga ah ee HANDICAP oo lagu maamuusay doorka ay ka qaadato taakulaynta bulshada naafada ee dalka.
“Halkan waxaannu hay’adda HANDICAP International ku guddoonsiinaynaa shahaado sharaf ay ku maamuuseen dalladda heer qaran ee naafada Somaliland ee SLDF oo ay masuul ka tahay Nuura Maxamuud Nuur, taasoo ay ugu talogaleen inay ku muujiyaan wada-shaqaynta wanaagsan ee hay’adda HANDICAP la leedahay dalladda naafada SLDF, sidaa awgeed ayaan aniguna aad iyo aad ugu bogaadinaynaa, kuna soo dhawaynaynaa,” ayey tidhi Agaasime Khadra Xaaji Gaydh oo hadashay shahaadada lagu bixiyey xafiiskeeda xarunta Madaxtooyada shalay.

masuliyiintahandicab
Waxa ay intaas ku dartay, “Ururka soo sameeyey shahaadan waxaan leenahay waxqabkiinna halkaa ka sii wada, annaguna hareeraha ayaannu mar walba idinka taagannahay, annagoo ballanqaadyadii Madaxweynaha fulinayna, wax badanna dalladda loo qabtay oo sannad walba imminka loogu daro 50 qof oo naafo ah oo arrintaasina fushay.”

Guddoomiyaha Dalladda Naafada Qaranka Somaliland ee SLDF marwo Nuura Maxamuud Nuur oo xafladdaas ka hadashay, ayaa tidhi; “Marka hore waxaan u mahad-celinayaa Ilaahay (SWT), marka labaadna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan xukuumadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada marwo Khadra Xaaji Gaydh oo runtii dumarnimana igula shaqaysa si wanaagsan oo mug iyo miisan leh wax noola qabata, run ahaantiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland-na waxyaabo fara badan ayuu u qabtay dadka naafada ah guud ahaan, haddii ay tahay shaqaalaysiinta, hadday tahay miisaaniyadda qaranka oo dalladdu ku jirto, iyadoo Madaxtooyadu sannad kasta maalinta naafada adduunka ay dadka naafada guddoonsiiso baaskiiladaha iyo qalabka dhinaca socodka ka caawiya dadka cagaha la’. Waxa kaloo dhawrkii sanno ee la soo dhaafay loo sameeyey gaadiidka caawiya dadka naafada ah qiyaastii 500 (shan boqol) oo qof oo naafo ah, kuwaasoo dhulka jiitami jiray amma siqi jiray.”
“Waxaan odhan karaa intii xukuumadaha Somaliland jireen, xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waa tii ugu dhegaha nuglayd dadka naafada ah iyo sidii wax loogu qaban lahaaba, runtiina aad ayaan ugu mahad-celinayaa hay’adda Handicap International oo iyaguna ah hay’adda keliya ee nooga soo baxday hay’adihii kale, haddii ay yihiin kuwa UN-ka iyo kuwa kale ee caalamiga ahba, waxayna HANDICAP gacan weyn siisaa naafada reer Somaliland, muddo aad iyo aad u dheerna nala shaqaynayey, imminkana inay halkii ka sii wadaan ayaan rajaynaynaa,” ayey tidhi marwo Nuura.
Mr. Xamse Cabdillaahi Yoonis oo ku hadlayey afka hay’adda HANDICAP INTERNATIONAL, ayaa ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey madaxtooyada iyo dalladda naafadda Somaliland shahaado-sharafta ay ku maamuuseen hay’adooda.
“Shahaadadani annaga waxay noo tahay farxad aad u weyn inaannu ku helno hawshii aan ka qabanay Somaliland, waana dhiirrigelin wanaagsan. Handicap International waa hay’adihii ugu horreeyey ee dalka yimmi sannadkii 1992-kii, markii aan dalka ku soo noqonay, ilaa imminkana way shaqaynaysaa, arrimaha naafada ee aannu ka shaqaynana waxa ka soo baxay wax badan oo dhanka wanaagsan ah oo dadka naafadu ku faani karaan.
Dalladda SLDF aad baan ugu mahadnaqaynaa, iyadoo wax badan ka qabatay mashaariicdaas aannu siinno oo sidii aannu rabnay u fulisay, runtii dawadduna wax badan ayey arrimaha naafada ka qabatay, haddii ay noqoto siyaasaddii naafada oo Golaha Wasiirradu ansixiyey oo ay u hadhsan tahay uun in Madaxweynuhu ansixiyo, waxaanuna ballanqaadaynaa in aannu sii wadi doonno ka shaqaynta arrimaha naafada,” ayuu yidhi sarkaalka u hadlay hay’adda caalamiga ah ee HANDICAP.