Araweelo News Network

Farmaajo Iyo jawaari

Muqdisho(ANN)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Baaralamaanka federaalka ee xilka iska casilay, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa shir jaraa’id wadajir ugu qabtay maanta Muqdisho. kadib markii Jawaari shalay xilka iska casilay.

Jawaari oo hadalka ku horreeyey ayaa ku celiyey in Arbacada uu istiqaaladiisa Baarlamaanka hor gayn doono, balse weli kama hadlin sababta uu isu casilay.

“Waxaan ku celinayaa in amaanadii la ii dhiibay aan u celin doono golaha, wixii dheeraad ahna waxaan ku soo qaadi doonaa hadalkayga berrito” ayuu yidhi.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ka codsaday Jawaari inuu sii wado talo bixintiisa xagga qabyo tirka dastuurka. Baarlamaankana wuxuu ka codsaday inuu korjoogtayn joogto ah ku sameeyo xukuumadda.

Isniintii ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, si lama filanaan ah ugu dhawaaqay inuu is casilayo oo Baarlamanka hortiisa ikaga dhawaaqayo is casilaadiisa.

Arrinta is casilaada guddoomiyihii Baarlamaanka  ayaa soo afjaray muran siyaasaded oo muddo dhowr todobaad ah ragaadiyey hawlihii baarlamaanaka iyo xukuumadda, wuxuuna murankaasi sababay  in xildhibaannada baarlamaanka ay aad u kala qaybsamaan, iyadoo  koox walba dhankooda cuskanaysa qodobbo dastuurka iyo xeerhoosaadka baarlmaanka ku jira, isla markaana  dhinaca kale ku eedeynaysay inay shuruucda ku xadgudbayso.

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari qudhiisa ayaa dhowr jeer eedeymo u jeediyey xukuumadda iyo madaxweynaha oo aan ka hadlin khilaafka intii uu soo  jiitamayey.