Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay Siyaasada xukuumaddiisa ee ku waajahan wada hadaladii u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladdiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay munaasibada midawgii Soomaali weyn ee 1 July oo ku beegnayd maanta, ayaa yidhi,

“Somaliland waa dad walaalaheenna ah, duruufo badan iyo dhib badan ayaa soo maray oo laga yaabo inuu na kala qeybiyey, dowladdan diyaar waxay u tahay inay wadahadalladii soo celiso oo si wanaagsan oo run ah, oo xaqiiq ah loo wada fadhiisto Soomaaali ma kala maaranto waa dad walaalo ah, waa dad isku dad ah, waa dad wax walba wadaaga, in aynu umadda Soomaaliyeed isku soo celinno oo aynu isku dunno oo walaalinno u muujino qof walba oo Soomaali ah iyo mas’uuliyiintaba waajib ayaa saaran, aniga ayaa ugu horreeya oo madaxweynihii  Soomaaliyeed ah.” ayuu yidhi, Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladdu diyaar u tahay soo celinta iyo dib u bilaabista wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo yidhi, “Waxaan xukuumad ahaan diyaar u nahay inaan wadahadal kasta oo aan kalsooni ku gelin karno walaalaheen aan ku gelinno, maxaa yeelay waa garab inaga maqan” ayuu yidhi. Madaxweyne Farmaajo.