Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ku fashilmay codsi uu ula tegay dawladda Imaaraadka Carabta oo la xidhiidha heshiisyada maalgashiga dekedda Berbera iyo dhismaha madaarka millatari ee ay la saxeexdeen dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne Farmaajo iyo wefti uu hoggaamiyo oo safar shaqo ku joogay dalka Imaaraadka maalmihii Isniinta iyo Salaasadda, waxa uu kulan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabta oo uu u gudbiyey codsi ah inay ka noqdaan, isla markaana dib uga fiirsadaan heshiisyada ay sida madaxbannaan ula galeen Somaliland, iyadoo aanay dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadku si rasmi ah saxaafadda ugu soo bandhigin codsigan khuseeya arrimaha Somaliland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya shalay, waxa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu magaalada Abu Dhabi wadahadallo la yeeshay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, kaasoo ballanqaaday in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliya ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.
Dhinaca kale, saxaafadda Imaaraadka Carabta, ayaa si guud mar ah uga hadashay kulanka Madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay masuuliyiinta ka tirsan dawladda Imaaraadka, kaasoo ay xuseen in laga wada-xaajooday xidhiidhka u dhexeeya labada dal, isla markaana ay ka caawinayaan Soomaaliya dhinacyada ammaanka, horumarinta iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.
Hasa yeeshee, xogo kala duwan oo wargeyska Jamhuuriya helay, ayaa tibaaxay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo weftigiisu u gudbiyeen dawladda Imaaraadka Carabta dacwad ka dhan ah heshiiska Imaaraadku la galay Somaliland ee ku saabsan saldhigga millatyari ee laga dhisayo madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera iyo maalgashiga shirkadda DP WORLD ku samaynayso dekedda Berbera.
Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyadu, Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa ka codsaday madaxda dalka Imaaraadka Carabta inay dib uga fiirsadaan heshiisyada ay sida tooska ula galeen dawladda Somaliland oo uu ku dooday inay ka mid tahay dalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay, balse aanay xukuumaddiisu waxba kala socon heshiisyada dhexmaray Imaaraadka iyo Somaliland.
Xogaha wargeyska Jamhuuriya helay xalay, ayaa sidoo kale iftiimiyey in masuuliyiinta sare ee Imaaraadka Carabtu ku gacan-saydheen dalabka Madaxweynaha Soomaaliya ee khuseeyey in la laalo heshiiska millatari iyo dhaqaale ee ay la saxeexdeen dawladda Somaliland, gaar ahaan saldhigga looga ogolaaday inay ka dhistaan madaarka caalamiga ah ee magaalada Berbera, waxayna u caddeeyeen in heshiisyada ay la galeen Somaliland ay yihiin qaar mar hore la kala saxeexday oo aan hadda wax dood ah laga furayn, balse, waxa ay u ballanqaadeen Madaxweyne Farmaajo inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhinacyada ammaanka, horumarka iyo dhaqaalaha, isla markaana heshiisyada ay sida madaxbannaan ula galeen Somaliland aanay waxba ka beddeli doonin cilaaqaadkooda Soomaaliya.
Kulanka Dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna Ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Imaaraadka Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, waxa kaloo ku wehelinayey Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Dr. Anwar bin Mohammed Gargash, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Amniga Qaranka ee Imaaraadka Mr. Ali bin Hammad Al Shamsi, halka dhinaca Madaxweynaha Soomaaliya ay wehelinayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mr. Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Mr. Cabdulqaadir Macallin Nuur, La-taliyaha Ammaanka Qaranka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Cali iyo safiirrada safaaradaha ay labada dal ku kala leeyihiin Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa hore u caddeeyey inay ka codsanayaan dawladda Imaaraadka Carabta sidii ay uga laaban lahayd heshiiska saldhigga millatari ee ay la gashay Somaliland, kuwaasoo sidoo kale ku dooday inay Imaaraadka ka dacwayn doonaan Qarammada Midoobay iyo Ururka Jaamacadda Carabta.

Geesta kale, Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michael Keating, ayaa fariimo uu ku faafiyey barta Twitter-kiisa oo Jamhuuriya soo xigtay ku sheegay inuu magaalada Abu Dhabi kulan kula yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta Mr. Ahmed Abdul Rahman Al Jarman, kana wadahadleen taageerada looga baahan yahay caalamka iyo Imaaraadku inay u fidiyaan Soomaaliya.
Waxa kaloo uu tilmaamay inay Madaxweynaha Soomaaliya isku arkeen Abu Dhabi oo uu xusay inay shirar la yeesheen masuuliyiinta Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyey in isaguna uu dhinaciisa si gaar ah u arkay madax ka tirsan Imaaraadka oo uu ka mid yahay Wasiir-ku-xigeenka Siyaasadda Arrimaha Dibadda, kaasoo aan goob-joog ka ahayn shirka Madaxweynaha Soomaaliya la yeeshay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.