Omar AlbashirJohannesburg (ANN)Maxkamad sare ee dalka Koofur Afrika ayaa soo saartay amar ku meel gaadh ah oo lagu xiyirayo Madaxweyna Dalka Sudan Omar Hassan Al-bashiir, amarkaa oo ka hor istaagaya inuu dalka Koonfur Afrika ka baxo ilaa inta go’aan laga gaadhayo dacwad u taalla Maxkamadda sare ee ICC Interentional Criminal Court, taas oo ah Maxkmadda denbiyada Dagaalka.

Madaxweynaha Sudan Omar Al-bashir, ayaa gaadhay dalka Koonfur Afrika si uu uga qaybgalo shirka hoggaamiyayaasha dalalka Afrika, balse Maxkamadda sare ee Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Madaxweynaha ay waajib ku tahay inuu dalkaasi joogo illaa go’aan laga gaadhaayo dalabka ICC ee ah in lagu wareejiyo iyo in kale.
Xayiraada Madaxweynaha Sudan ee dalka Koonfur Afrika, waxaa ka dhashay doodo shinaca sharciga ah, waxaana dooda ugu weyni tahay Madaxweyne dalkiisa ka tegey oo leh dhawrsanaan dublamaasiyadeed, isla markaana huwan sharafta iyo karaamada qarankiisa sida xayiraad loogu soo rogi karo, ama loo qaban karo, isagoo casuumad rasmi ah ka helay hoggaamiyayaasha dalalka Afrika iyo madaxda Ururka Midawga Afrika ee qabanaya shirka uu ka qaybgalay ee Johannesburg.
Wasiirka Warfaafinta Dalka Sudan Ahmed Bilal Osman, ayaa sheegay in Madaxweyne Omar Bashiir kusoo laabanayo dalkiisa marka uu soo dhamaysto hawsha uu dalka koonfur Afrika u tegey.
Dhinaca kale waxa jira muran siyaasadeed iyo xiisad ay arrintan ka dhex abuurtay hoggaamiyayaasha iyo Madaxda Afrika eek u shiraya halkaa, iyadoo Maxkamadda Koofur Afrika ee soo saartay amarka xayiraarada ah doonayso in lagu wareejiyo Madaxweynaha Sudan Maxkamadda Denbiyada Dagaalka ee ICC, taas oo marar baddan ku guuldaraystay in loo gacan geliyo Madaxweyne Omar Al-bashiir oo lagu eedaynayo denbiyo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha. Kadib markii lagu eedeeyay daagalo ka dhacay Dafuur oo lagu laayay dad shacab ah. kadib dagaalo u dhexeeyay malayshiyada jaanjawiit iyo malayshiyo kale oo ku dagaalama halkaa.

Ururka Midowga Afrika ayaa hore u diiday inuu arrinta ICC kala shaqeeyo. Laakiin dalka Koonfur Afrika oo xubin ka ah ICC, waxaa lagu amray inuu fuliyo amarka oo waajib, isla markaana la xayiro Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir, balse waxa adag sida ay suurta gal u noqonay in Koonfur Afrika fuliso awaamiirta la doonayo in lagu qabto Omar Al-bashiir mudada uu ku jiro dalkooda oo kaga qaybgalay shirka Ururka Midawga Afrika, taas oo haddii ay fuliso Koonfur Afrika kala daadinay Ururka Midawga Afrika ee yab-yabka ah, isla markaana saamayn xun ku yeelanay mustaqbalka hoggaamiyayasha Afrika oo aan waxba kala socon Maxkamadda ICC.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.