TurkigamuqdishoMogadishu(ANN)Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo booqasho gaaban ku tegey Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, ayaa xadhiga ka jaray Mashaariic ay dawladiisu ka horgelisay oo qayb ka ah qorshaha dib u dhiska Somalia.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo booqashadiisa Somalia iyo wadamo kale oo qaarada Afrika ah hore loo shaaciyay, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho, wuxuuna xadhiga ka jaray Dhisme Terminal lagu kordhiyay Madaarka iyo Cusbitaalkii hore ee Digfeer oo dawlada Turkigu ku samaysay dib dhis casri ah iyo qalabayn. Sidoo kal Dawlada Turkiga mashaariicda ay ka fulisay Muqdisho, wax aka mid ah Wadooyinka Laamiga ah oo ay dib u habayn ku samaysay iyo mashaariic kale oo wax ku ool ah.
Booqashada Madaxweyneha Turkiga ee Somalia, ayaa sababtay in wadooyinka Magaalada Muqdisho la xidho si loo adkeeyo amaanka Madaxweynaha Turkiga iyo wefdigiisa , iyadoo laga cabsi qabay inay dhici karaan weeraro ka yimaada dhinaca xarakada Al-shabaab, kuwaas oo shalay weeraray wefdi Madaxweynaha Turkiga u gogol xaadhayay booqashadiisa.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo yeeshay ka hor intii aanu Regup Dayib ka dhoofin xarinta Somalia ee Muqdisho, waxayna dawlada Turkigu sheegtay inay Madaxweynaha Somalia kala hadleen sidii loo sii waddi lahaa mashaariicda dawlada Turkigu doonayso inay ka fuliso Somalia, kuwaas oo sida uu xusay ay ku jiraan qorshe 10,000 qoys la doonayo in loogu dhiso guryo muddo laba sanadood gudohood ah, isla markaana tiro intaa ka baddan oo dadka danyarta ah mustaqbalka loo dhisyo guryo.
Cusbitaalka Digfeer ee ay dawlada Turkigu dib u dhiska ku samaysay, isla markaana qalabaysay, ayaa loo qorsheeyay inay ka hawlgalaan Dhakhaatiir Turkish ah, isagoo Tayyip Erdogan sheegay in maamulka Dekeda Muqdisho ee ay gacanta ku hayaan ka dhigayaan deked caalami ah.
Madaxweynaha Turkiga, ayaa xaqiijiyay inay dawladiisu ka waddo Magaalada Muqdisho Safaarad ku fadhida dhul baaxadiisu dhantahay 800m SQ, taas oo noqonay dhismaha safaaradda ugu balaadhan ee ugu weyn, wuxuuna ugu baaqay dalal uu sheegay inay Muqdisho ku leeyihiin safaarado ku shaqeeya Contenar inay kasoo baxaan oo ay dhismayaal ka dhistaan.
Madaxweynaha dalka Turkgia Recep Tayyip Erdoğan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdiho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxda sare ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Raysal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo wefdigiisa, ayaa ka dhoofay saacado ka dib magaalada Muqdisho. Kadib markii uu dhamaystay booqashadiisa oo ahayd markii labaad, isagoo sanadkii 2011, xiligaa oo uu ahaa Raysal wasaare oo uu watay wefdi balaadhan ku tegey Muqdisho, isla markaana dawladiisu door muhiim ah ka qaadatay taageeradii bulshada Soomaalida oo xiligaa abaaro iyo macaluul ka jirtay Somalia.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com