Araweelo News Network

Turkish President Recep Tayyip Erdogan (photo by AFP)

Istanbul(ANN)-Madaxweynaha dalka Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dawladda Israa’iil ay tahay maamul argagixiso ah oo si sharci-darro ah ku haysta dhulka dalka Falastiin.

Madaxweyne Erdogan oo hadal ka jeediyey shir uu yeeshay xisbiga talada dalkiisa haya ee AK Party maalintii Isniinta, waxa uu tilmaamay in go’aanka Maraykanku ku aqoonsaday in magaalada Qudus tahay caasimadda Yuhuudda uu yahay mid aan sharci ahayn oo aannu dalkiisu tixgelin doonin.

“Israa’iil waa maamul sifo sharc-darro ah ku haysta dhulka dalka Falastiin, waana maamul argagixiso, Maraykankuna waxa ay qayb ka yihiin dhiigga lagu daadinayo Falastiin, maadaama ay magaalada Qudus u aqoonsadeen caasimadda Israa’iil, laakiin go’aanka ka soo baxay Madaxweyne Donald Trump maaha mid aannu ku dhaqmayno, manaha ah mid lagaga dhaqmayo magaalada Qudus,” ayuu yidhi Madaxweynaha Turkigu.

Waxa kaloo uu sheegay in dhulka Falastiin uu yahay mid la haystay ilaa sannadkii 1947-kii, isagoo Madaxweyne Erdogan hore ugu baaqay shir ay isugu yimaadaan madaxda dalalka Islaamka ah ee OIC (Organisation of Islamic Cooperation), kaasoo ka qabsoomi doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Arbacada berri, haddii Ilaahay aqbalo.

Geesta kale, Dawladda Malaysiya ayaa caddaysay in ciidankooda millatarigu diyaar u yihiin wixii waajibaad ah ee looga baahdo ee la xidhiidha qaddiyadda magaalada Qudus, iyagoo sheegay in dhulkaas yahay goob barakaysan oo ka dhexaysay ummadda islaamka ah.
Sida lagu baahiyey website-ka telefiishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya sooa xigtay, Wasiirka Difaaca ee dalka Malaysiya ayaa sheegay in go’aanka Madaxweynaha Maraykanku ku aqoonsaday in magaalada Qudus (Jerusalem) ay tahay caasimadda Yuhuudda uu yahay dhirbaaxo wejiga lagaga dhuftay caalamka islaamka.

“Waxa aannu diyaar u nahay wax kasta oo suurtogal ah, ciidanka millatariga ee Malaysiya mar walba waa u diyaar inay fuliyaan wixii waajibaadkooda ah, iyagoo sugaya oo qudha awaamiirta hoggaanka sare,” ayuu yidhi Wasiirka Difaaca ee Malaysiya Mr. Hishammudin Hussein.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aynu ku ducaysanaynaa in aannu innagu iman khilaaf sababi kara in xaalad dagaal oo noocaas ah keeni karta.”
Go’aanka Madaxweynaha Maraykanku ku sheegay inay magaalada Qudus u aqoonsadeen caasimadda Israa’iil, waxa uu cadho xooggan ka abuuray dalalka islaamka, iyadoo mudaharaadyo laga dhigay dalalka Turkiga, Masar, Jordan, Tuuniisiya, Al-jeeriya, Ciraaq, dhulka Falastiin iyo dalal badan oo caalamka ah.

Hasa yeeshee, dalka Malaysiya ayaa noqday waddanka qudha ee ilaa hadda soo hadal qaaday inuu diyaar u yahay tallaabo millatari oo ka dhan ah in magaalada Qudus loo gacan geliyo Yuhuudda, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee Malaysiya.

Dhinaca kale, dadweyne lagu qiyaasay ilaa 10 kun oo qof ayaa mudaharaad ka hordhigay safaaradda Maraykanku ku leeyahay caasimadda Jakarta ee dalka Indoonisiya, kaas oo lagu taageerayo dadka reer Falastiin, lagagana soo horjeedo in magaalada Qudus laga dhigo caasimadda Yuhuuudda.

Ku-xad-gudubka qaraarada ka soo baxay Qarammada Midoobay
Madaxweynaha dalka Indooniisiya Mr. Joko Widodo, ayaa si xooggan u cambaareeyey go’aanka Maraykanka ee lagu sheegay in Qudus tahay caasimadda Israa’iil, isagoo xusay in go’aankaasi ka hor imanayo, isla markaana uu xad-gudub ku yahay qaraarada ka soo baxay Qarammada Midoobay ee khuseeya dhulka laga haysto Falastiin, iyadoo la filayo in arrimahan lagu falanqeeyo shirka dalalka Islaamku isugu imanayaan 13 December 2017.